Tillamook Posted May 23, 2014 My dear habros of SOL, please set aside your pettiness for once in your lives and refrain from politicizing a simple traditional event in Somalia. I assure you even the traditional elders of Somaliland will be on hand in person, or they will send their personal representative, to pay their respects to this new King. Put the politics and caadifaad aside for just a second and see this event for what it is... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 23, 2014 Qardho Oo Lagu Qul-Qulayo 6000 Oo Qof Oo Goob Joog Ka Noqonaya Caleemasaarka Boqorka Daarood & Meheri May 23, 2014Leave a Comment Waxaa soo gaaray deegaanka Puntland wafdi balaaran oo ka socda Issimada Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo ka qeyb galaya caleemo saarka Boqor Beelaha Daarood oo 25ka dhici doonta magaalada Qardho ee xarunta Dhaqanka Puntland. Issimada ka timid Itoobiya ayaa maanta Qado sharaf loogu sameeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland, iyagoo soo maray dhanka dhulka isla markaana shalay soo gaaray gobalka Mudug. Wafdigan ayaa lagu wadaa in galabta ay u gudbaan magaalada Qardho oo ay hada kusii qul qulayaan wafuud ka qeyb galeysa caleemo saarka Boqorka 34aad ee Beelaha Daarood. Munaasabada Caleemo saarka Boqor Burhaan Boqor Muse ayaa lagu wadaa inay noqoto tii ugu weynayd oo ka dhacda Soomaaliya in muddo ah. Dhinaca kale waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Qardho oo ay hada ku sugan yihiin kumanaan ka qeyb galaysa caleemo saarka, sida ay qaban qaabiyayaasha sheegeen wafuud lagu casumay caleemo saarka ayaa gaaraya 6000 oo ergo ah, oo ka kala imaaneysa gobalada dalka Soomaaliya iyo dibada. Dhanka kale beesha MEHERI oo bayaan nasoo gaarsiiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin haday yihiin beelaha Meheri caleema saarka boqor burhaan oo boqorka beelaha darood iyo Meheri. Waxaan beelaha Mehri isku raaceen in boqor burhan Muuse uu qaato cinwaanka boqorka beelaha darood iyo Meheri. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Diyaar garowga caleemo sarka boqorka Daarood oo gabo-gabo mareysa iyo amniga Qardho oo la adkeeyey[sawirro] Posted on May 24, 2014Raad Raaca, RBC, Sawiro, Wararka Qardho [RBC Radio]Waxaa heer gabo-gabo ah ku dhow u diyaar garowga munaasabada lugu doonayo in lugu caleemo saaro boqorka 34-aad ee Daarood,Boqor Burhaan Boqor Muuse,halka sidoo kale amniga siweyn loo adkeeyey. Dhowr guddi oo ku howlan qaban-qaabada munaasabadda caleemo sarka oo berri dhici doonta waxaa ay sheegen inay heer gabo-gabo ah marsiinayan isku diyaarinta caleemo sarka. ..’”‘Wax walba waa la dhameeyey xarumo iyo goobo kala duwan oo ad u diyaarisan ayaa la sameeyey,martida iyo madaxda waxaan u diyaarinay goobo u gaar ah,wafuuda ayaana ku soo qul quleysa Qardho inta dhimana subixi hore ee berri ayaa lafilaya inay soo gaaran,..””ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qardho,Maxamuud Saciid(Hoggaamo-laroor). Guddi u xilsaaran diyaarinta munaasabad caleemo sarka,waxaa ay xaqiijiyen ku dhowaad 6,000 (lix kun) oo qof oo ka kala yimid gobollada Puntland, Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, Jubaland, Somaliland, Kenya, Jabuuti, Khaliijka Carabta iyo; dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa ka qayb gelaya xafladda caleema saarka. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli iyo madaxda sare ee dowladda ayaa iyaguna ka soo qeyb-galaya,halka la dhowrayo inay munaasabadda ka qeyb-galan madax ka socota dowladda faderaalka Soomaaliya. Ammaanka oo la adkeeyey Waxaa siweyn loo xoojiyey amniga degmada Qardho oo lugu caleemo saarayo berri boqorka daarood. Waxaa la arkayey ciidamada ammaanka oo ku sugan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada, gaar ahaan goobta uu caleema saarku ku dhacayo oo iyada si aad ah ammaankeeda loo adkeeyey. Boqorka xilligaan la caleemo saarayo,Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uu xilka ku qabanaya hab-dhaxal ah,waxuuna beddeli doona walaalkiisa Boqor C/laahi Boqor Muuse oo sannadkii hore ku geeriyoodey dalka Finland oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Wafdi ka socda DDIS oo galabta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho (Sawirro) May 23, 2014 6:21 pm GMT - Written by Ducaale - Edited by Ducaale Qardho(pp) Wafdi Dhaqan ah oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar,halkaasoagu wado 25-ka bishan inay ka dhacdo xaflada caleemo saarka Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Mamulka degmada Qardho,guddiga qaban qaabada caleemo saarka boqorka iyo dadwayne kale ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay duleedka koonfureed ee magalada Qardho. Waxaa hoggaaminaya Garaad Kulmiye Garaad Maxamed oo sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka loogu soo dhaweeyay magalada Qardho. Suldaan Khadar Maxamed ayaa sheegay inay hordhac u yihiin wafdi balaaran oo ka socda dowlad deegaanka kana qayb galaya xaflada caleemo saarka boqolka beelaha Daarood. Ammaanka ayaa caawa si wayn loo adkeeyay magalada Qardho,taasoo laga dareemaya qaban qaabada munaasinadda lagu caleemo saarayo boqorka. Docda wafdi ka socda Gobalka Galgaduud ayaa magalada Qardho soo gaaray waxayna ka qayb galayaan caleemo saarka Boqorka Daarood. Maalinta Barito ah oo Sabti ah ayaa lagu wadaa magalada Garowe inay soo gaaraan wafdiyo kale oo ay ka mid yihiin madaxda Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka mamulka Jubba oo si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho(Sawirro) May 24, 2014 12:23 pm GMT - Written by Ducaale - Edited by Ducaale Qardho(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar. Wafdigan ayaa ka qayb ah kuwo ka qayb galaya caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxayna u badnaayeen Isimo iyo Odayaal dhaqan iyo haween. Guddiga soo dhawaynta martida ka qayb galaysa xaflada caleemo saarka,mamulka degmada iyo mamulka Gobalka Nugaal ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan magalada Qardho waxana loo galbiyay Aqal loogu talo galay martida. Madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka Jubba ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa magalada Qardho wuxuna sheegay inay ka qayb galayaan caleemo saarka Boqorka Daarood. Ammaanka magalada Qardho ayaa si wayn loo adkeeyay waxana la sugayaa wafdiyo ka kala imaanaya Gobalada Mudug iyo Bari oo ka qayb galaya caleema saarka Boqorka. Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa inuu galabta soo gaaro magalada Qardho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Madaxweynaha Puntland oo Qardho gaaray Posted on May 24, 2014Raad Raaca, RBC, Wararka Qardho [RBC Radio]Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ay ka dhaceyso munaasabdda caleemo sarka boqorka daarood,waxaa goordhaweyd gaaray wafti ballaaran oo u hoggaaminyo madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa ku soo dhaweeyey Qardho oo u diyaarad ku tagay,guddiga ku howlan qaban-qaabada munaasabadda caleemo sarta iyo boqollaal shacabka. Waxaa ku waheliya socdalka,madaxweynaha Puntland xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo wasiirro u badan,waxaana ay ka qeyb-galayan munaasanada caleemo sarka boqorka daarood oo berri ka dhici doonta magaalada Qardho. Sidoo kale,madaxweyne Cadiweli waxaa imaatinkiisa Qardho ku waheliya,Sheekh Maxamed Ibraahim(Shakuul) oo ka mid ah ganacsatada Jubbaland horayna isgu sharaxey xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland oo xilligaan la yirahdo maamulka KMG ah ee Jubba. Dhinaca kale,waxaa maanta Qardho gaaray wafti uu hoggaaminayo,madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba,Jen.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ay waheliyaan Isimadda maamulka Jubba iyo cuqaal. Ilaa galinka hore ee berri waxaa lugu wada inay gaaran Qardho wafuud kala gidisan,halka sidoo kale ay xilligaan ku suganyihiin madax ay ka mid yihiin mas’uuliyin iyo Odayaal ka socdey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Boqorka xilligaan la caleemo saarayo,Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uu xilka ku qabanaya hab-dhaxal ah,waxuuna beddeli doona walaalkiisa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Kingkong) oo sannadkii hore ku geeriyoodey dalka Finland oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa. ___ RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 (Faahfaahin+Sawiro) Madaxweynaha Dowlada Puntland oo soo gaaray Qardho Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho,kuwaas oo ka qayb gali doona Caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb ka ah;-,xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda,Xildhibaano ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale. Maamulka Gobolka Karkaar,maamulka degmada Qardho iyo Waxgaard ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlada Puntland. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. www.puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 24, 2014 The Dhagaxbuur big foot community are the laandheerayaal of Sahal and should have the right to crown their Sultan as the king of Sahal. The pirates are as usual stealing other people's rights whether it is material property or traditional title. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 (Photo News) Daawo Sawirada Suldaanka Meheri Ismaaciil oo si la yaab leh loogu soo dhoweeyay degmada Qardho Suldaanka Meheri Ismaaciil Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise iyo Wafdi uu hogaaminayo,oo kaso kicitamay dalka Yaman ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise ayaa waxaa soo dhowayntiisa ka qayb qaatay Hogaamiye dhaqameed,maamulka Gobolka Bari,maamulka degmada Qardho iyo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Dadweynaha ka qayb qaatay soo dhoweynta ayaa watay Fardo,waxaana Suldaanka Meheri Ismaaciil uu Burhaan Boqor Muuse Guddoonsiiyay Faras,uu Hadiyad uga dhigay. Talaabada Suldaanka Meheri Ismaaciil Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise uu kaga qayb galayo Caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa muujinaysa in aan look ala harin Caleemo saarka Boqorka. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. www.puntlandi.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Suldan Cabdalla Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri Ismaaciil oo Qardho lagu soo dhaweeyey[sawiro] May 24, 2014Leave a Comment Waxaa Galabta magaalada Qardho lagu soo dhaweeyey Wefdi balaaran oo hogaaminaayo Suldan Cabdalla Xuseen Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri Ismaaciil oo ka yimid Dalka Yemen ayaa Galabta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho,waxa ayna ka qeybgalayaan Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshada,Maamulka Degmada,Gudiga Caleema saarka Boqorka. Suldan Cabdalla Xuseen Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri ayaa waxaa la dajiyey Guri gaar ah oo loogu talagalay in uu dago,waxa uu booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse. Qardho ayaa waxaa soo garaya Wufuud heer caalami ah waxaana Maalinta Berito ka dhacaya Magaalada Qardho Caleema Saarka Boqorka Guud ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 <cite> @Tallaabo said:</cite> The Dhagaxbuur big foot community are the laandheerayaal of Sahal and should have the right to crown their Sultan as the king of Sahal. The pirates are as usual stealing other people's rights whether it is material property or traditional title. Talaab I am not sure what your smoking, but puntland robbing traditional rights? The title of boqor goes to the eldest son of beesha Sahal, this is a tradition. As for your comment about robbing people material? ummm I didn't know Puntland had looted somali properties, please let mknow where so I can get my isimo to sort it out pronto.Nice try terrorist, but godane isnt invited here, TNT bombs are not allowed. This a REAL crowning of a king in east africa and the middle east, jealousy wont make you relevant. Today is not the day for it Talabo, Today is a day of awe, the day os the crowning of the biggest tribe in east africa, today is a day of simply reporting and commenting with absolute splendor at the ceremonial inaugration of the 34th King of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted May 24, 2014 Ditoore Osman, when will your enclave build the Pirateham palace needed to house this new captain Jack Sparrow who is probably out of business due to NATO vessels in the area? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Wufuud kala duwan oo ka qeybgaleysa Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood oo Maanta soo gaaray Magaalada Qardho[sawiro] May 24, 2014Leave a Comment Wufuud heer Caalami ah ayaa Maanta soo gaaray Magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkar,xilli berri la filayo in lagu Caleema saaro Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Guddiga loo xil saaray qaban qaabada Munaasabadda Caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa si diiran wufuuda ugu soo dhoweeyay Magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ka soo degay wefdi balaaran oo hogaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Maamulka Jubba Isimo,Nabadoono iyo mas’uuliyiinka kale. Madaxweyne ku xigeynka labaad ee maamulka Jubba ayaa sheegay in ay Qardho u yimaadeen ka qeybgalka Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxa uuna ka mahadceliyey sida diiraan ee loogu soo dhaweyey magaalada Qardho. Wefdi oo hogaaminaayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud iyo wefdi balaaran oo hogaaminaayo ayaa ka yimid Gobolka Sanaag,waxaa soo dhaweeyey wefdiga Sare ee Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Wefdi uu hogaaminayo ,,,,,,,,oo ka yimid Gobolka Mudug ayaa si weyn loogu soo dhaweyey magaalada Qardho,waxaana soo dhaweynta wefdigaani ka qeybgalay Maamulka Degmada,Gudiga Caleema saarka waxaana looga hortay meel 20km u jirta magaalada Qardho. Maalinta Berito ayaa waxaa magaalada Qardho ka dhacaya Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan,waxana Qardho soo gaaray dhammaan wefdigii ka qeybgali lahaa Caleema saarka Boqorka. Sawir qaade C/raxman Maxamed Cali (Black) I love this guy garyare, true sahalist reminds me gagaabs of yemen, definitely reer bari folks here Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Talaabo, Pirates at least steal from those who steal from us. When is your siilanyo going to get out of somali ppl homes? When is your terrorist going to killing innocent somalis? When are your hargeisa folks going to stop raping its own babys. Pedofilia-Terrorism-Jaad and Hargeisa club red light district and your talking about Pirates? adeer iska fariso, meesha dad aad qarixisid ma yaalo. Puntland elders are respected worldwide in east africa and middle east as is evident by the turn-out, even emiratis are coming too. War waxan wax la yaqan, you wont ever have our dna. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 24, 2014 Now lets talk population so I show u how much of a true langaab u r. In 1991 somalis all laernt the true population of somalis are in badiyaha cause the reer mudug folks of aideed settled half of hamar the southern side. Bosaso to Galkayo is 750 kilometers, If a boy living between dhusomareeb and baraxlay can change hamar demographic like that, imagine me living 700 kilometers. You my friend live in a 4 x 4 hargeisa to burco which proves you have no nomads thats why u never see 1 snm with a camel and even if u do u can tell by his daaqsin he hasnt got the numeric strength to to gain more grazing land. Ethiopia even did a census of DDSI and found they have 5 million, even though indepedent census say its closer to 10 million, not 1 major city is located in DDSI, yet that population is confirmed. This proves my theory that somalis 20% settle cities and 80% baadiyaha and that can also explain why the sahal were over run in mogadishu since most of the ppl in baadiyaha are HAG. Puntland population has been confirmed through university scholarship work which has been per reviewed and evidence provided. You my friend are the size of a jilib in relation to me. Quote Share this post Link to post Share on other sites