Dr_Osman Posted May 22, 2014 Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka WHO ay ku yeelatey Geneva [sawiro] May 22, 20141 Comment Wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Dr. Saadiq Enow wuxuu ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka (World Health Organisation) ay ku yeelatey magaalada Geneva (Swiss). Fadhigaas oo lix casho soconaya ayaa wuxuu furmey 19/ 5- 2014. Fadhigaas oo lix cisho soconaya ayaa waxaa ka soo qeybgaley wufuud ay tiradoodu dhaaftey 3000 oo qof. 194 dal oo hey´adda xubno ka ah ayaa waxay ka doodayaan oo go´aamona ay ka gaarayaan arimo la xiriira caafimaadka dunida. Arimaha miiska saaran ee sanadkan laga wadahadlayo waxaa kamid ah: Ka hor tagga cudurrada aanan leyska qaadin (sonkorta, cudurada wadnaha iyo sambabka), istraateejiyad cusub ee lagu kontroolo cudurka TB-da, nafaqa-darrida hooyada iyo dhallaanka, yoolasha lagu hagaajinayo caafimaadka melleniumkan cusub, aragtiyo lagu hagaajinayo caafimaadka dadka beerka ka xanuunsan, hagaajinta hannaanka guud ee caafimaadka iyo qodobo kale. Waxaa jira cudurro cusub oo shirka lagu xusey. Waxaa kamid ah cudur uu Virus sababo oo ka soo ifbaxay dalka Sacuudiga. Cudurkaas oo dadka ay ay dhintaan, waxaa laga heley hilibka geela. Arintaasi oo lagu dhaleeceeyey Sacuudiga ayaa waxay ku bixisey in dowladdu ay ku fekerto in ay joojiso cimrada iyo xajka. Laakiin waxaa hor taagan laba arimood. Mid wuxuu yahay qodobka shareecada ah oo ayan jebin karin cibaadada waajibka ah iyo midda sunnada ah. Midda labaad waxay tahay dowlado uu ka dhexeeyo xarig ku joogsi sida Iiraan ayaa olole siyaasadeed ku qaadeysa haddii Sacuudiga uu mamnuuco cimrada iyo xajka. Arimaha xiisaha leh ee madasha lagaga doodey waxaa kamid ahayd, qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee ku howlan arimaha caafimaadka oo codsadey in ay talada hey´adda wax ku yeeshaan. Waxaa kamid ah shirkado dawooyin sameeya oo iyagu qeybo daawooyinka kamid ah bilaash u bixiya. Waxaa kale oo kamid ah shirkado hanti badan leh oo dhaqaale ku bixiya hagaajinta caafimaadka dadyowga saboolka ah. Dowladuhu qaar waa ay taageereen aragtidaas. Qeybo kale oo dowladaha martida ah ayaa iyagu diidey arinkaas oo tilmaamey in ayan suuragal ahayn in meel leysugu keeno maslaxaddii gaarka ahayd iyo middii caamka ahayd. In aadamigu sinnaado oo isku xuquuq noqdo, waxat taabaneysaa xataa adeeggii caafimaadka in aadamigu uu wada-gaaro. Mashaariic caafimaad ah oo la doonayo in dunida lagu huwiyo ayaa laga hadley. Waxaa kamid ah in la xoojiyo farsamada caafimaadka ee la xiriira qalliinka. Waxaa la xusey in sanad walba ay dunida korkiisa ka dhacaan howlo qalliin ah oo gaaraya saddex melyan iyo afar boqol oo kun. Tiro ah 3 % ayaa dadyowga adduunka saddexaad ay ku leeyihiin. Sidaa darteed in la baahiyo aqoonta caafimaadka oo qalliinku ay kamidka tahay, kuwaas oo dadku ay u dhibaateysan yihiin. Puntland News-24 Geneva, Swiss Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 22, 2014 Another huge boost to Puntland International Profile, our health minister attending the 67th World Health Assembly in Geneva. Well done Saadiq. Quote Share this post Link to post Share on other sites