odayga inanta Posted May 19, 2014 Daanyeer ayaa isagu waxa uu ahaa askariga meesha ama ninka dadka kiciya so loo heeso, Halgari iyo Bisad-sabaab ayaa iguna loo doortay boqor iyo boqorad "kuwa dadka xukuma ama sheega inta hees ee uu qaadayo qofka lasoo kiciyay". Arooskiina uu bilaabmay sidaa iyo daawasho wacan. Libaaxii ayaa markiiba ay ushu ku dhacday oo loogu hor kiciyay waxaana lagu xukumay hal heesa, heestiisiina waatan. Wuxu yidhi Libaax:- Boqor daacadaan ahay Xoogii dalkaan ahay Dugsi aan la marin iyo waxan ahay waran wax dila Dadkoo urusan baan dalaq idhaahdaa Geesi aan baqayninoo dib u laaban baan ahay Halkaa ayuuna ku dhameeyay heestii si fiicana waa loogu sacab tumay. Dawoco ayaa iyadna lasoo kiciyay iyada oo laga filayo inay abtigeed Libaax amaanto ayay tidhi;- Abtigay markuu sii jeedo socodkiisa jawhartaa markuu soo jeedu wajigiisan jamilagaa jannaba uma baahan gabadhii ag joogsataa Markaa ayuu libaaxi intuu qoslay uu sacab oogta ka qaaday. Waraabe oo la wada yaqaan inuu cunto jecel yahay ayaa lasoo kiciyay, markaa ayuu bilaabay hees ku saabsan cunto, waxana uu yidhi;- Anagu waan baranee Idinku maad barataan Bariiska waan ku cunaaye Idinku maad ku cuntaan Cuntadu qaab daranaa Ma Dawacaa karisay Dawaco ayaa waxay tidhi " Alla hoogay inanka ma cunto ayaa laga raacay waa sidee". Markaa ayuu iska aamusay. Xaflada ka dib ayaa la waydiiyay heestii uu qaaday iyo canjalada ay ku jirto, markaa ayuu u sheegay in uu haysto canjalado awowgii uga tagay. Aniga laftayda waxay ahayd heestii kaliya ee aan garan waayay heesihii arooska laga qaaday. Waraabe isagoo sidiisii u yar dhutiyaya ayuu booskiisii ku laabtay. Sagaaro ayaa lasoo kiciyay iyadna. Markaa ayay hees bilawday iyada oo waraabe ku dhaga hadlaysa, waxayna tidhi'- Ragii turuqyada adkaa tunkooduna uu sinaa tabtooda la daawan jiray talaabo xumaa badalay Markaa ayuu Waraabe xanaaqay oo uu yar guuxay, laakiin libaax ayaa u sheegay in caawa wax walba furanyahay. Deero ayaa lasoo kiciayay, hadday meesha soo joogsatay ayaa isna Biciid iska soo kacay oo uu soo dhinac joogsaday. Maroodi oo aan wada fadhinay ayaa ii sheegay in Biciidku uu in badan daba socday Deerada oo geedka ay daaqdaba uu daaqi jiray, dabadeed maalin ayaa intuu Deero u tagay uu ku yidhi "walaal mudo badan ayaan sheeda kaa milicsan jiray, runtii wakhti badana waan lumiyay sidaan kaaga maagmaagayay .Waan ku jecelahay waxanan rabaa inaan reer samayno oo aan nolol wada abuurno", laakiin Deero waxay ku tidhi sxb anigu arinkaas diyaar uma ihi ee cid kula wadaagta nolosha raadso dhulka waa la buuxaaye. Mudo badan ayuu daba socday Deerada laakiin waa u tag waayay, Sidaa darted ayay iskugu yara kacsanaayeen. Markaa Deero oo yaaban sida uu usoo booday Biciid ayaa heestay, waxayna tidhi;- Adigoon iba tohoyan wali Waadigan isu kay tugee Ayaad horta ii taqaan Biciidkii intuu cadho iskala garan waayay ayuu isna ku heesay; Hadaad kama helin tidhaahdo Jacaylkana iga halayso Anigu hadal badan ma doonee Jacaylka dhibaatadiisa Wixii hawl iga gaadhay Halkaasaad dhigi magtiisa Markaa ayaa uu Daanyeer ku yidhi; Qasab maaha jacaylku Ee waa labadii iskla qaada Biciid oo kacsan ayaa iska fadhiistay. Doofaar ayaa lasoo kiciyay, laakiin isagu waa ka cudur daartay oo waxa uu sheegay in aanu haba yaraatee wax heesa aqoon, waligiina aanu heesin. Markaa siduu Maroodi ii sheegay, Doofaar sheekada waa qarinayaayo waxa jirtay in uu isaga iyo Ayga lagu yidhi idinku xaawalayda la shaqeeya oo waxyaabaha calculus ka caawiya sida biyaha iyo wixii la mid ah " hawsha arooska". Hadaba isagu waa iska afgaaban yahee dawoco iyo kooxdii la shaqaynaysay ayaa iyagoo xaqiraya ku dheeldheelay, markaa iyaguna meesha way joogeen oo sidaa ayuu u xishooday, laakiin may ahayn sheekadu inuusan hees garanayn. Balse anigu waxaan is idhi maadaama uu biro ilka ku xidhnaa oo todobaad ka hor ilko siyaada ah laga saaray ilkihiisa dhaadheer ayuu la xishooday. Gorayo ayaa lasoo kiciyay, kolkaasay iyada oo Doofaar ku wadda hadalka ku heestay; Haddii aad miskiin tahay Ood ka boqayso meeshani Maahmaah horaa tidhi Ama waa la muuqdaa Ama madasha la matago Doofaarkii uu iska qoslay, markaa ayuu Maroodi yidhi " kan doqoniiada ayaan ku nacay, Doofaarna ficil la'aan ayaa loo cadaabi". 2 shimbirood oo iyaguna arooska joogay ayaa buuq ka dhaxeeyay, waxay isku haysteen beedkii ay dhaleen ayaa ay kawada yimaadeen, marka adiga ayaa ulahaa inaad ku fadhiisato iyo mayee adiga weeyi ayaa laysku haystay. Daanyeer ayaa yidhi waar idinku naga daaya qaylada ama kaalaya heesa, markaa mid ayaa soo booday oo heestii bilaabay, wuxuuna yidhi;- Waad I waashoo waan wareeroo Adna adigaan ku wanaajee Waa su'aalee labadeena reerka yaa u waynoo u awood wayn Markaa ayay iyadna u jawaabtay, waxayna tidhi;- Wareeg mooyiye Adoon waligaa Wanaagba lahayn Waa jawaabe labadeena Reerka anaa u waynoo U ah waayeel. Dacawo sheeg "shimbir" ayaa idna halkaa ka heestay iyadoo caan ku ah gaadhka iyo arimaha amniga, waxay iyadna ku heestay;- Geedkaad gashaba way goynayaan Gurigaad gashaba way kugu gubaan Gubanimo doonka somaliyeed ee galbeed. Balanbaalis ayaa iyaduna heestay, markaa ayay tidhi;- Yar iyo waynba waysaysta Waanadana qaata Waaxidkeen ka yaaboo Nafta wehel u yeela Jiir"dooli" ayaa Balanbaaliskii ku yidhi meeshu waa aroos ee xadiiska jimcayaasha la sug, baashaal iyo dancing ayaa loo yimid inaadeer. Koox Bisada ah oo aan iyagu heesna qaadayn ayaa meel isku urursaday, markaa shacab waynihii habar dugaag ee meesha yimid ayay faalaynayeen, inta ay dadka soo eegaan ayaa ay ku qoslayeen. Shabeel ayaa arinkaas in badan la socday kadibna waa uu u adkaysan waayay, markaa ayuu intuu kusoo dhacay heestii yidhi;- Bari hore waxa jiray Hablo jeedal lala dhaco Oo soo jeesta lagu karin Imikana waxa jira Kuwa jeedal lala dhaco Oo naga jeesta lagu Karin. Naa biisay dhaqankii Sharcigii ka baydhoo Diinkii burburisii Hablaw maad is badh qabataan. Markaa ayay bisadihii ku qaylyeen oo ay ku yidhaahdeen "Ninka wayn ninka wayn, oradoo ugaadhsi tag sxb". Gabagabadii arooska ayaa waxa yimid Dabagaale oo lawada sugayay, isaga oo muraayad cad wata iyo suudh ayuu meesha soo istaagay, sacab iyo qaylo ayaa lagala hor yimid. Dabagaale markaa isaga oo ingiriis ku hadlaya ayaa wuxuu yidhi" I am sorry for being too late, final exam ayaan lahaa markaa iga raali ahaada". Abeeso oo iyadu baryahanba is waydiinaysay toloow starkii caawa miyuu kasoo gaadhi arooska ayaa meeshii kusoo dhacay markay aragtay Dabagaale, kadib Dabagaalena waa kula biiray. Dabagaale ayaa heestii bilaabay iyaga oo gacmaha is haysta wuxuuna yidhi;- Allaylehe ilwaaday imaanka deeqdoo indhahaad u roontahay ku amaani maaye qurux waxad u eegtahay ilig geed ka baxay iyo jiridoo adayg badan Abeeso iyadna waxay tidhi;- Allaylehe aqoonyahan aqal loogu hoydoo ubad loo dhalaa tahay ku amaani maayee qurux waxad u eegtahay sida dhagaxda buurta iyo ciida beeraha Markaa ayaan anigu iskala garan waayay oo isla kacay,kadibna intaan sacabiyay ayaan foodhina ku dhuftay.Laakiin waxaan aad uga yara xumaa sxbkay Maroodi oo aan aad isku dhex galnay ayaa lagu yidhi adigu heesta kuma fiicnide waa lagaa cafiyay,inkastoo isagu uu jeclaa inuu heeso. Daanyeer ayuunbaa i arkay markaan qiirooday,kadib ayuu aniga usha igu soo fiiqay oo uu yidhi " waan kaa helaa walee waa iiga wacadee ila wadee wixii aan kaa rabay ".Markaa ayaan soo istaagay waxaanan bilaabay heestii.Waxaan idhi; Afrka qaylisoo Waxay war qayaxan ku tidhi Anigu qayrkay ka hadhay Qaaradihii iga tagoo Aqoonbay kaashadeen Oo qaarbaa dayaxa qabsaday Libaax ayaa inta uu kacay madaxa iga dhunkaday waxana uu yidhi "Waxaas ayaa heesa,ama sidaa u heesa ama iska daayay.Waxaad nagu wareeriseen heeso jacayla oo aan faa'ido lahayn,waa wadani ninkani oo dadkiisay ayuu u heesayaa.Intiina badani waxaad u haysataan inaad dhulkiini joogtaan laakiin maaha sidaa,halkan waxa ina keenay qax iyo dagaalo oo awowyaasheen ayaa qoxooti ahaan ku yimid,markaa ninkan ayaa ka yimid dhulkii hooyo ee ka waraysta.Kadib Libaax ayaa i gudoonsiiyay abaal marintii oo ahayd shaash Libaax,halkaa ayayna heesihii ku dhamaadeen". Habar dugaag oo dhan ayaa igusoo xoomay oo waxay iga waraysteen wadanka,su'aalo faradana way iga waydiiyeen.Markaa ayaan ku idhi " Wadankii hada xaaladiisu waa iska bariga dhexe,laakiin insha allahu waxaan rajaynayaa inay wax badan iska badalaan, idinkuna waad noo imaan doontaan oo xuquuq gaaar ah ayaa la idiin samayn,beero aad u waawayn iyo dhismayaal aad ku cawaysaana waa la idiin dhisi". Arooskii halkaa ayaa lagu gabagabeeyay, Diina waa loo hambalyeeyay ana waan u hambalyeeya,sidaa ayaana lagu kala hoyda. Subaxii ayaan ka ambabaxay halkii, Libaax ayaa I dhaweeyay oo aan sii wada sheekaysanay. Markaa ayaan ku idhi " aad ayaad u mahadsantahay, abaalkaad ii gashayna waligay ma ilaawi doono, markaa dee insha allahu waan ini soo mari doonaa". Sidaa ayaanan kaga soo baxay habar dugaag. , Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdullah1508736697 Posted May 20, 2014 Odayga Inanta, hal abuurakan gaabani soo xiijadasho xiiso badan ayuu leeyahay. Waxaad moodaa in mudooyinkan dambe aan wax lagu qorin farteena oo laga doorbido afafka qalaad. Sidaas darteed, aqriska sheekadan iyada ahi waxay iilahayd xiiso gaar ah sida aan horayba u sheeggay. Aad baad u mahadsan tahay sxb. Sheekada qaybteedii hore ma la hayaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted May 20, 2014 Waa runtaa sxb, afkeena waxba kuma qorno oo waan iskaga tagnay runtii. laakiin sida adigaba hadalkaaga ka muuqata afka soomaligu si fiican ayuu u dhandhamaa haddaad wax ku akhrido, hase ahaatee luuqada kale ayaa lagu wareeray..waad ku mahadsantahay faaladaa wanaagsan ee aad ka bixisay, sheekada qaybteeda hore way ku jirtaa iyadna,,bogaga lasoo dhaafay ka eeg sxb, waxan soo galiyay dhawr asbuuc ka hore qaybta hore.. markaa hadda qoraalo kale ayaa ka dambeeyay... Qaybta 1AAD.... http://www.somaliaonline.com/community/topic/habar-dugaag-oo-aroos-igu-casuuay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted May 21, 2014 Odayga, Walaal, sheekada qaybteedii koowaad waxaa fiicnaan lahayd inaad "link" toos loogu aado aad kor ku sameyn lahayd. Waxaana rabaa inaan kugu mahad naqo sheekadaan oo aad inoo si wadid! Quote Share this post Link to post Share on other sites
odayga inanta Posted May 22, 2014 Qaybta Koowaad:.......................... http://www.somaliaonline.com/community/topic/habar-dugaag-oo-aroos-igu-casuuay/ Quote Share this post Link to post Share on other sites