SomaliaRising Posted May 15, 2014 Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garowga dabaal degga munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 71-guuradii ka soo wareegatay asaaska ururka dhallinyarada SYL oo hormuud u ahaa xornimada dalka Soomaaliya. Garoonka K/Cagta Banadir Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo ururay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo barnaamijyo ku saabsan 15-ka May ayna soo diyaariyeen guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo ururrada dhallinyarada halkaasi ay haatan ka socdaan. Dhinaca munaasabadda loogu dabaal degayo maalinta dhallinyarada SYL ee 15-ka May ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madax ka tirsan Dowladda Federaalka, ururrada dhallinyarada iyo xubno magac ku leh dalka. Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa iyana waxaa ka socda munaasabadda 71-guurada ka soo wareegatay asaaska ururka dhallinyarada SYL ee 15-ka May, waxaana maamulada ka jira gobolada dalka qaarkood ay bilaabeen sidii loo maamuusi lahaa munaasabaddaasi qiimaha weyn ku leh dalka. 15May we celebrate how somalis came together for Mother Somalia. On 18May we clean the qashin. I hope it becomes the International Clean Dat. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 15, 2014 15 may has no meaning in Somaliland this is what i mean we have no shared history SYL is for somalia not Somaliland. 26 june 18 may are the important days in SL Quote Share this post Link to post Share on other sites