Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breaking news Ethiopia vacates Beledxaawo ,Alshabaab on standby

Recommended Posts

Ciidamadii Itoobiya oo isaga baxay Balad-xaawo iyo xiisad ka taagan Degmadaas

0 0 Google +0 0

 

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan weli xiisad daba socota dagaalkii shalay ka dhacay degmada, iyadoo ciidamadii Itoobiya ee degmadaas ku suganaana ay isaga baxeen.

 

Wararka laga helayo degmada Balad-xaawo ayaa waxay sheegayaan labadii ciidan ee ku dagaalamay degmada ay weli is-horfadhiyaan, sidoo kalena uu isku socodka gaadiidka iyo dadku uu weli xayiran yahay.

 

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in cidamada dagaalamay ay gurmadyo uga kala imaanayaan degmooyinka Garbahaareey iyo Doolow, iyadoo laga baqdin qabo in dagaallo kale ay dhacaan.

 

Dhanka kale, ciidamadii Itoobiya ee qaybta ka ahaa kuwa AMISOM oo horay ugu sugnaa degmada ayaa isaga baxay, taasoo xoojisay cabsida laga qabo inay mar kale uu dagaal ku dhexmaro degmadaas ciidamada isku-haya gacan ku haynteeda Balad-xaawo.

 

Lama oga sababaha dhabta ah ee ciidamada Itoobiya ay uga baxeen degmadaas iyagoo horay ugu kala dhex-jiray labada ciidan ka hor intii uusan qarxi dagaalkii shalay ka dhacay degmadaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askartii dagaalamay.

 

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay dagaalkii shalay ka dhacy degmadaas guddoomiyaha degmada Dooloow, iyadoo aysan jirin weli war ah oo kasoo baxay dhinaca guddoomiyaha degmada Doolow oo ku saabsan dagaalka.

 

Ciidamada ka yimid Dooloow ayaa la sheegay inay taageersan yihiin maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo ciidamadii horay ugu sugnaa degmadaas oo isugu jira Ahlusunna iyo kuwa dowladdana ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya.

 

Xukuumadda Somalia weli kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan colaadda ka taagan degmada Balad-xaawo, iyadoo shacabkii degmadaas ku noolaa ay ka baxeen degmada, iyagoo ku sugan deegaanno degmada ku dhow.

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta14-46566.htm#sthash.aexxZsE5.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are infightings between the Governor of Gedo Kaliil and the Jubba admin supporters sponsored by the Kenyans. The Ethiopians are excellent strategist they want the animosities and the fighting's to continue. So that both factions remain allied to them. When Ethiopia vacated the town they will allow shabaab to intimidate both factions and in a few months Ethiopia will save the day and come in between them again.

 

Remember Ethiopia backs the Jubba admin they even made peace between Mogadishu and the Madoobe faction. But they also back the Kalil factions. Them vacating the town was strategic they want to keep the best form of neutrality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this