malistar2012 Posted May 9, 2014 Ra’iisul Wasaare Cabdiwali “Waxaa loo baahan yahay in la soo celiyo walaaltinimadii ka dhaxayn jirtay dadka dega gobolka Shabeelada Hoose”:-War-Saxaafadeed+Sawirro Marka, 08, May, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalin ah ku tagay gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhaqan degmada Marka, wuxuuna ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladda gobolka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka arrimaha nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta gobolka iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool gobolka Shabellaha hoose oo baryihii u danbeeyay ay khilaafaad ku kala dhex jireen beelaha wada daga gobolka. “Dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Marka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib-u-heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo. “Marka laga hadlayo gobollada Soomaaliya gobolkan wuxuu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay daganyihiin qabaa’illada Soomaaliyeed, intiina meesha fadhida waxaa la idinka doonayaa inaad dawladda gacan siisaan Ciidamadda qalabka sida ee gobolka jooga, sidoo kale aad ka caawisaan sidii dadka shacabka ah iyo Ciidamaddu xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhanka kale sheegay dhawaan wafdi ka socda Xukuumadda inuu soo gaaro doono gobolka Shabellaha hoose si wax looga qabto baahiyada kala duwan ee deegaanka ka jira, wuxuuna ka codsaday qaybaha bulshada inay dul-qaad muujiyaan. Odayaasha dhaqanka degmada Marka ayaa gaba-gabadii u balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dadka ku dhaqan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, si loo gaaro Soomaaliya oo xasiloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo qaybihii bulshada ee kasoo qeyb galay Munaasabadda in loo soo jeesto dhanka wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee gobolku caanka ku yahay si deegaanka u gaaro hormar. “Maanta waxaan ka hadlaynaa sidee lagu xalin karaa dhibaatooyinkii deegaanka ka dhacay waxaan jeclahay markaan bari soo laabto inaan ka wada xaajoon doono mustaqbalba wax soo-saarka gobolka oo runtii ah meelah ugu dhaqaalaha iyo quruxda badan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo uu Ra’isul wasaaruhu booqdo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose oo ka mid ah deegaanadii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Kooxaha Nabad diidka ah. —-DHAMAAD— Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted May 9, 2014 This is most Popular widely accepted Somali Gov in decades Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigii la socday ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee degmada Qoryooley oo kooxaha Al-shabaab ay ka bililiqaysteen dhammaan qalabkii yaalay, wuxuuna sheegay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed si deg deg ah in loo keeno doono Isbitaalka qalab uu ku shaqeeyo si dadka deegaanku u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran. Somali Prime Minister Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed Doing great job Touring the country assessing the needs the of the People . Kismaayo Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe Wararka Maanta: Khamiis, Apr 10, 2014-Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta Booqashooyin kusoo kala bixiyay Degmooyinka Bulo-Burte . Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Socod Lug Ah Ku Maray Qeybo Ka Mid Ah Caasimadda Kadib Soo Dhaweyntiisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
CidanSultan Posted May 9, 2014 Most popular widely accepted in decades hahahaha hahahaha.... That was a good one malister Hahah Quote Share this post Link to post Share on other sites