odayga inanta Posted May 5, 2014 Hadalka soomalidu ku hadasho wuxu ka koobanyahay 75% soomali caadi ah, 24% afcarabi, 1% waa luuqada kale. hadaba markaan afsoomaliga ka hadalno hadalku wuxu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah 1.Tix 2.Tiraab Tix: waa qaybta hadalka ugu saraysa uguna qiimaha badan, waa duxda ama iidaanka hadalka macaaneeya ama qurxiya. Hadaan si kale u sheegno waa suugaanta afka. Tixdu waxay u kala baxdaa 1.Maanso 2.Maahmaahyo Maanso: maansadu waa hal-abuur, kaas oo bulshada qaar uun ka yimaada. Maansadu waxay leedahay habdhac iyo qaafiyad iyada u gaar ah. Waxay u qaybsantaa; . Gabay . Geeraar . Jiifto . Mansafo . Buraanbur . Guurow . Shirib . Saar . Salsal . Waglo Gabay:- maansada marka laga hadlayo gabayga ayaa ugu horeeya, maansada qaybeheeda kalena gabayga ayay ka farcamaan. Gabaygu waa hal-abuurkii ugu horeeyay ee ay suugaanyahaniintu tirin jireen. Inta badan gabaygu wuxu ku dhisanyahay qaafiyada ah ugu yaraan xaraf laba jeer kusoo laabta bayd kasta, wuxu leeyahay habdhac gaar ah oo lagu garto. Gabaygu uu laba dhacaa intiisa badan, ama uu saddex dhacaa sida gabaygii "Jiinley" ee sayidka. Tusaale waxa kamida Giddigood adoomaha waxaa gaadhay nabar wayne Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e Geelii aduunka u adkaa gobolla naafawye Golihii ka kici waa ragii gaydho hayn jiraye …Ismaaciil mire gabaygii " Guuguule"……gabaygu wuxu ku sucdaa qaafiyada " G" waxayn baydkasta ku jirtaa laba jeer. Xarafku wuxu baydka ku jiri karaa laba jeer in ka badan. Waxa kamida Bad kalluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaaha.. Geeraar:- waa martabada labaad ee maansada marka laga yimaado gabayga. Waxa gabayga lagaga soocaa qaab dhismeedka iyo dhererka meeriska. Geeraarku uu mar dhacaa. Tusaale geeraar Gamaan waa magac duudoo Sanga aan gabanayniyo Magaankii godonaa iyo Geenyadii dhadigayd baa Gabigood ka dhaxaysoo Haybta way isku gartaan ..Cali bucul " amaan faras". Jiifto:- jiiftadu waxay kaga duwantahay mansooyiinka kale gaabida meeriska iyo habdhaceeda oo kooban. Waxa inta badan loo isticmaalaa heesaha iyo afarayda la is dhaafsado ruwaayadaha. Qaafiyada xarafku waa inuu ugu yaraan hal mar ku jiro bayd kaste. Tusaale waxa kamida Sida geed caleenloo Ubax guudka qariyay Ooy gooni laamaha Ay midiba geesteed Hoobaan is gaadhiyo Guntin mira ah leedahay Oo soo gandoo doo Galka faraqa soo daray ..Midhihii axmad saleebaan bide iyo codkii Maxamad axmad kuluc Mansafo:- waxay kamid tahay bahaha maansada. Waxay jiifka kaga duwantahay meeriska oo ka yara dheer jiifta iyo habdhaca. Jiiftu waa mar dhacdaa laakiin mansafadu way laba dhacdaa. Tusaale waxa kamida Ma seexane cambaro sagal samaday u boodaye Sahankeedu wuxu gaadhay saxalkiyo mariikhee Subax noolba waxa jooga saacad qudha ma moogine Sabrina mayso jeerooy suuban u ciyaartee Siciida iyo deeqina sacabka way ka boodiye Wuxu soo sidaa odagu waa siyaakhadoodee Siinka iyo saadkaad kala sooci waydee Ninka soo socda ha celin sarbeeb weeyi heestuye ..Xaaji aadan afqalooc silsiladii " Siinley". Buraanbur:- buraanburku waa qayb kamida maasooyinka suugaanta ee soomaalida. Wuxu gaar u yahay dumarka, waxana la tiriyaa wakhtiyada farxada iyo guubaabinta. Wuxu leeyahay meeris iyo qaabdhac gooniya iyo qaafiyada oo laga bixi karo, taasina waxa weeyaan in xarafkii ay qaafiyadu ku socotay laga bixi karo oo marka dhawr bayd la tiriyaba xarafka kale la galayo. Tusaale waxa kamida Hooyo iisoo dhawow dhegta iga maqal Dhawaaqaan idina dheeldheel ayaanu noqon Been ha u qaadan beerkuu kasoo go'ee Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow Ayaanu ceeshoonin wiilkaa kusoo calmaday Ciidan wuxu kariyay cunnadiisu yaanay noqon Inta xigtada u ah iyo gacalka wada xurmee …Cibaado maxamad Guurow:- guurowgu waa gabay ama godka gabayga ayuu soo galayaa. Meeriska iyo habdhaba way isku dhawyihiin, laakiin sida loogu luuqeeyo ayuu kaga duwanyahay gabayga. Waxana inta badan laga isticmaalaa koonfurta soomaaliya. Tusaale waxa kamida Muqmuqlayda naageed ninkey joogto minankiisa Iyada munaafaqa xadoo meel iskula dhuuntay Hadday meel iskaga soo dhacaan ee la wada maadsho Ma joogaa iyo maya warkay mahadiyaan waaye Shirib:- wuxuu isaguna kamid yahay bahda maansada. Wuxu leeyahay miisaan iyo meeris gooniya, waxaana lagu gartaa qaabka loogu luuqeeyo. Tusaale waxa kamida. Hogaankii dalka waa heblow, idinna waa hor joogsateen Haramacas hilib qaatayaad, kadaba habhab leedihiin Hub cusub ninka soo heloo, heshiiska diiday waa heshaa Hadaad ka hilba hugsateen, himiladiinii waa hesheen Saar:- inta badan saarka aad looma adeegsado, waxa isticmaali jiray sugaanyankii cadhays ciise kaarshe allah u naxariistee. Waxa loo qaada qaab gooniya oo iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida Siin looxaa lagu dhigtaa Sadar waa la akhriyaa Socdaal waa loo kacaa Sakada waa lala baxaa San waa laga neefsadaa Sariir waa lagu hurdaa Sidii kale waxan lahaa ..Cadhays ciise kaarshe "Soonqaad" Salsal:- salasal isaguna wuxu kamid yahay qaybaha maansada. Wuxu leeyahay habadhac iyo qaab gaar ah oo loo qaado. Waxa inta badan la adeegsadaa wakhtiyada hawasha iyo hees hawleedada kala duwan, sida marka beerta la qodayo ama xoolaha la waraabinayo. Tusaale Cayn gabadhi kuu jiidaad Ka calaacalaysaa oo Cudadiina kuu taal Sida caynku kuu gubay Ayaa cagtu ii daloosha Inaan kugu dhuftaad moodee Waan kugu la soo dhacay ..Hees hawleed marka geela la rarayo. Waadigii cararaayee Car I taaba laahaye Dullaha caaradiisu Baguu caynku ku gooyay Markay beertu bislaato Waan kuu badhi goyn …Hees hawleed marka beerta la qodayo Weglo:- waxay iyaduna leedahay qaab gooniya oo loo qaado iyo miisaan iyo meeris iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida Wixii wacanbaa wad laga karine Wajaale wanaagsanaydaa Sidii adhi goosmayoo bahal galay Miyaanu u gaynay gaalada Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted March 4, 2016 Odayga, maqaalkan qiimaha iyo qaayaha leh ee aad inoo qortey waad ku mahadsantahey. Runtii in badan baan ka faa'idey. Hase yeeshee, qodob yar baan rabey in aan kaa saxo. Waxaad tiri saarka in badanaa aan la adeegsan. Saarka waxaa aad looga adeegsadaa, ilaa maantana laga tiriyaa gobollada Jubbooyinka iyo NFD. Bal ila dhageyso saarkan uu tiriyey halabuur reer Gaarisa ah: Quote Share this post Link to post Share on other sites