Mooge Posted May 4, 2014 Sanca(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalinkii shalay gaaray dalka Yeman ayaa la kulmay Ra’iisulwasaraha dalkaasi ninka la yiraahdo Mohamed Basindawa. Labadaan masuul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta xiriirka Puntland iyo Yeman,ganacisga iyo iyadoona shirkan ay kasoo baxeen in labada dhinac ay wakiilo kala matala ku yeesheen Garowe iyo Sanca. Madaxwayne Gaas iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxwaynaha Dalka Yeman Cabdulrabbi Mansuur Haadi waxana ay labada madaxwayne ka wada hadli doono arrimo khuseeya Puntland iyo Yeman iyo sidii loo wada shaqayn lahaa. Waa socdaalkii ugu horeeyay tan iyo inta uu Gaas madaxwayne noqday uu ku tago dalka Yeman,iyadoona inta uu jooga magalada Sanca uu ka kulmi doono shacabka Soomaaliyeed ee Wadanka Yeman ku sugan. Cilaaqaad wanaagsan ayaa ka dhaceeya Puntland iyo Yeman waxana xeebta badda cas inta badan looga dhoofiyaa Yeman khayraadka ka buuxa Puntland. Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites