Saalax Posted May 2, 2014 Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Ka Danbeeyay Talaabadii Ciidanka Qaranka Somaliland Kaga Baxeen Taleex Hargeysa(Ramaas)May.02.2014-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in uu isagu ka danbeeyay talaabadii ay Ciidanka qaranka Somaliland kaga soo baxeen Magaalada Taleex. Sidoo Kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in uu isagu Madaxweyne Siilaanyo Ku qanciyay in Ciidanku dib uga soo baxaan Taleex. “Aniga madaxweyne ahaan shakhsiyan arintaasi waan galay Madaxweyne Siilaanyo ayaan la hadlayd, dawlada Federalka Somalia way ku guulaysatay in magaalada Taleex Somaliland si nabad ah uga baxdo” Xasan Sheekh Maxamuud “Taleex Waa Run maalin dhaweyto waxa ka dhacay waxoogaa colaad ah oo ciidamada Somaliland oo yimid Taleexi, ciidamada Puntland-na waxa ay u diyaargaroobeen inay iyaguna tagaan Taleex" "Aniga madaxweyne ahaan shakhsiyan arintaasi waan galay Madaxweyne Siilaanyo ayaan la hadlay, Madaxweyne Cabdiwali ayaan la hadlay si aanay meeshaasi dhiig Soomaaliyeed ugu bixin, dawladuna way sii wadaa cilaaqaadka labada dhinac ka dhexeeya, meel kasta oo dhibaato soomaaliyeed ka dhacdana waanu ka shaqaynaynaa”. Ramaasnews Hargeysa Desk http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud-Oo-Shaaca-Ka-Qaaday-In-Uu-Ka-Danbeeyay-Talaabadii-Ciidanka-Qaranka-Somaliland-Kaga-Baxeen-Taleex.html#sthash.1iwOS4SP.dpuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
CidanSultan Posted May 2, 2014 Hassan sheick is also speaking with bashar al Asad about withdrawing from Aleppo Quote Share this post Link to post Share on other sites