Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay Maalinta Shaqaala

Recommended Posts

sct_5.jpg

 

 

Maanta oo ah 1-da May 2014 waa Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa waxaa si aan horay arag looga xusay maagaalada Muqdisho, waxaa Xaflad lagu weeneynayay lagu qabtay hoolka wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka , xafladaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Shaqada iyo arimaha bulsahada iyo Isu Tagga Urururrweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu arkayay wadooyinka magaalada muqdishow gawaari ay ku xardhayihiin calaamada iyo astaanta isu tagga ururweynaha Shaqaalaha Soomaliyeed iyo Codbaahiyayaal ay sii daynaya heesihii Shaqaalaha.

 

Guduumiyaha Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji oo kalkaas ka jeediyay qudbad soo jiidatay shaqaalaha iyo marti sharafka ka soo qeybgalay xaflada, guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday dhibaatada shaqaalaha asagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed daruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay ugusoo dhabar adeegeen marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray maadaama ay shaqaalaha Soomaaliyeed kaalin mug leh ku lahaayeen isbedelka hormarineed ee dowladnimada xambaarsan oo ay haatan heystaan shacbiga Soomaaliyeed.

 

Gudoomiha oo hadalkiisa sii wata ayaa kahadlay sidii mar walba loo ilaalin lahaa xuquuqda qofka shaqaalaha ah islamarkaana ay ka go’antahay Isu Tagga in qof walba oo shaqaale Soomaaliyeed ah uu helo xuquuqdiisa waxaana uu ku booriyey guud ahaanba Shaqaalaha Soomaaliyeed iney sii wadaan shaqadooda.

 

Madaxeynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “anigoo ku kalsoon kartidiina iyo dhabar adeegii aad soo muujiseen mudadii uu dalku ku jiray marxaladihii adkaa iyo kaalintii lama ilaabaankaa ahaa ee aad ku laheydeen isbedelka dowladnimo ee maanta jira, waxaan idinku boorinayaa walaalayaal inaad sii wadaan shaqadiina hagar la’aanta ah, waxuuna intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ku tala jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah.

 

Waxaana uu tilmaamay Madaxweynaha baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ‘’Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa ,Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqanada iyo horumarka dalka guud ahaan

 

Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada Eng Luqmaan oo isna halkaas kahadlay ayaa tibaaxay qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dowladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

 

Ugu dambeentii Gudoomiyaha Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha soomaaliyeed (ITUSS) ayaa hadlkiisa ku soo gaba gabeeyay ‘’Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

sct_1.jpg

 

Ugu dambeentii Gudoomiyaha Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha soomaaliyeed (ITUSS) ayaa hadlkiisa ku soo gaba gabeeyay ‘’Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

sct_4.jpg

 

Ururka shaqaalaha Beeraha Somaliya

 

 

sct_8.jpg

 

 

sct_2.jpg

 

Uruka Shaqaalaha kalumaysiga

 

 

sct_3.jpg

 

Uruka Shaqaalaha Xoogsatada Dakadda Mogdishu

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this