Mooge Posted April 25, 2014 Muqdisho(pp) Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ka hayay labo xil oo kala ah Afhayeenka madaxtooyada iyo La-taliyaha madaxwaynaha Somalia,sida wararka soo baxayana ay tilmaamayaan maalinkii shalay ayuu Yariisow iska casilay labdaasi xil oo mudo 12-bilood ah kusoo shaqaynayay. cabdiraxmaan-yariisoowSida la aaminsan yahayna Yariisow iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mudooyinkii danbe ahaa dad isku dhow oo dhanka siyaasada si aad ah isugu kalsoon,waxayna wararka soo baxaya ay sheegayaan in loo raadinayo Masuulkan Jago ka macquulsan labadaasi xilil oo mid ay hoos imaanayso dhanka saxaafada iyo xogta dowladda in la siiyo. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ahaa saaxiibka koowaad ee madaxwaynaha dalka wuxuna difaaci jiray siyaasada iyo barnaamijka dowladda Xasan Shiikh Maxamud,dhowr jeer uu dooda siyaasada dowladda iyo la-dagalanka Alshabab ka qayb galay ayuu sheegay Yariisow in dowladdu ay ka go’an tahay sidii wax kasta looga hormarin lahaa ammaanka dalka iyo hormarkiisa. Sababta xilil-kan kusoo beegtay inuu xililka iska casilo ayaa dadka siyaasada falanqeeya waxay ku tilmaameen inay tahay in uu boos macquul ah dowladda Xasan Shiikh ka helay,balse Cabdiraxmaan Yariisow kama uusan hadlin ka tagista labadaasi xil saxafada oo la xariirtayna wuu ka gaabsaday. Waxa uu soo noqday wasiirka lacagta iyo wasiirka warfaafinta balse hada xilka uu qaban doono lagama war hayo iyo inuu ka nasan doono siyaasada,wuxuna dowladda iyo shaqadeeda ku jiray mudo lix sano ah. Puntlandpost.com Xafiiska Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 25, 2014 niyooow qoslaye will do anything to surround himself with his closest corrupt friends so that he can contrinue to pillage the country and destroy whatever that is left. Yaroos has been a failure. he did nothing for the country other than defend qoslaye in the media and he should be judged on his record. i hope the PM rejects any high positions that qoslaye is planning for yariisoow. Quote Share this post Link to post Share on other sites