Sign in to follow this  
Saalax

Hargeisa prison break: Inmates penetrate Siilaanyo regime weak security

Recommended Posts

Saalax   

War-degdeg ah:Qaar ka mid ah Maxaabiista ku xidhan Jeelka weyn ee Hargeysa oo ka baxsadey Jeelka iyo weliba dagaal dhexmaray

Writen by Qaran News | Published: Apr 20th, 2014

 

War-degdeg ah:Qaar ka mid ah Maxaabiista ku xidhan Jeelka weyn ee Hargeysa oo ka baxsadey Jeelka iyo weliba dagaal dhexmaray

 

 

Hargeisa-(Qaran-news)-Maxaabiista ku xidhan Jeelka weyn ee Hargeysa qaar ka mid ah ayaa dagaal ku dhexmaray Askarta ciidanka Asluubta ee ilaalisa Jeelka.

 

Maxaabiista ayaa sida xoggaha Qarannews heshay sheegayaan inay heleen hub iyo weliba firaaqo ama fursad ay qolalakooda kaga soo baxaan,islamarkaana Albaabka weyn jiidheen.

 

Qaar ka mid ah maxaabiista iyo Askarta ayaa dagaal ku dhexmaray gudaha Xabsiga ,waxaana suurtogashay in qaar ka mid ah maxaabiista ka daadataan Jeelka oo baxsadaan halka kuwo kalena lagu qabtay banaanka Jeelka .

 

Dagaalka u dhexeeya Askarta iyo maxaabiista ayaa ku baahay xaafaha deriska la ah jeelka siiba Masaajidka u dhaw halkaas oo la sheegay inay qaar ka mid ah maxaabiista halkaas galeen,askartuna isku xeertay balse aanay weli cadayn in la qabtay

 

Goob-jogayaal ayaa u sheegay Qarannews in maxaabiista dagaalantay qaarkeed ahaayeen kuwo u xidhxidhan kiisas argagaxiso.

 

Isku soo wada duuboo inkastoo aanay jirin warar dhexdhexaad oo koobsanaya khasaaraha dagaalkaa ka dhaccay xabsiga gudihiisa haddana waxaa khasaaraha lagu sheegay Xagga ciidanka in hal askari dhintay xagga maxaabiistana dhawr maxbuus dhaawacmeen

 

Qarannews

 

 

http://qarannews.com/?p=43166

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this