malistar2012 Posted April 20, 2014 Shir socon doona saddex maalmood oo looga hadlayo ammaanka dalka ayaa maanta ka furmi doona magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan Hey'adaha Amniga dowladda, Saraakiil ciidan, maamulada gobolada dalka, khubaro xaga amniga ah iyo Taliyeyaal hore. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in shirkan uu furmo, iyadoo ammaanka halka uu shirka ka dhacayo la adkeeyay oo ah Hotelka Jaziira, waxaana xiran wadada laamiga ee ka timaada KM4. Shirkan oo ay soo qaban qaabisa Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa lagu casuumay qaar ka mid ah taliyeyaashii hore ee ciidamada, saraakiil hore iyo qubaro ku taqasusay arrimaha amniga Soomaaliya. Ajandayaasha shirkan looga hadlayo oo ah mid si guud ah ammaankau quseeya ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa dhibaatooyinka xagi amni darada, arrimaha argagixisada iyo howl galada ka socda gobolada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Xarakada Al-Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida ayaa qatar ku ah ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, iyadoo kooxda mar walba fuliso weeraro isugu jira is qarxin iyo kuwo toos ah oo horay uga geystay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, gobolada dalka, iyo dalalka deriska oo ay ku jiraan Uganda iyo Kenya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee ammaanka looga hadlo, iyadoo bilihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal ammaanka lidi ku ah, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo weerarkii 21-ki kii bishii Febraayo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada qaranka oo ah wadnihii dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted April 20, 2014 "Dhaqanka fowadada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa, shirweynahan Qaran oo aan qabsaneyno ayaa tusaale u ah horumarka dhanka amniga ka jira, oo ay ka soo qeybgalayaan Soomaali u dhuun daloosha amniga isla markaana laga filayo inay noo diyaariyaan qorshe dhaxal gal ah oo ay dowladdu dhaqan gelin doonto si dalka uu u noqdo mid heysta amni waara"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa lagu casuumay qaar ka mid ah taliyeyaashii hore ee ciidamada, saraakiil hore iyo qubaro ku taqasusay arrimaha amniga Soomaaliya. taliyaashii ciidamada Soomaaliya soo maray waqtiyadii kala duwanaa ilaa dowadii kacaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted April 20, 2014 “Dhaqanka fowadada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa 500 delegates consistent of elders - Politicians - Scholars - maamulada gobolada dalka .taliyaashii ciidamada Soomaaliya soo maray waqtiyadii kala duwanaa ilaa dowadii kacaanka. maamulada gobolada dalka Puntland - Galmudug -Shabeelaha Dhexe -Jubba- Gedo- Bay n Baakool - Mogadishu- . One Chain of Command Police and Military - SFG with help of its people will surely take responsibility of the Nation safety . A New dawn For Somalia - The Future Looks Bright God Bless our leaders for trying to Unite our Fragment Nation . Quote Share this post Link to post Share on other sites