malistar2012 Posted April 19, 2014 Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayay furitaanka warshada cabitaanka SODA KING ayaa gelinkii dambe ee shalay laga qabtay Hotelka City Plaza ee Muqdisho. sharaab5 Xafladda furitaanka warshadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Ganacsato iyo xubo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo aad ugu hambalyeeyay milkiilayaasha warshadaasi furitaanka warshadda SODA KING. Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay mid ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi ahna maamulaha warshadaasi Axmed Sheekh Yuusuf Guuleed oo hadalo isugu jira soo dhaweyn iyo mahadcelin ka jeediyay halkaasi, isagoo tilmaamay in dhismaha warshadaasi ay ka qeybqaateen Quburo ajnabi ah iyo Injineerro. Soomaali ah, isagoo dhinaca kale xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweeyeen furitaanka warshadani maadaama ay uga maarmeen cabitaankii dibadda laga keeni jiray. Gain Mani oo ah Qabaradii rakibtay warshada islamarkaana ka soo shaqeeyay wadamo badan oo caalamka ah ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay u shaqeeyso warshadaasi isagoo tilmaamay iney tahay warshad casri ah oo soo saaridoonta noocyada kala duwan ee cabitaanka, kuwaas oo laga farsameyndoono qudaarta dalka. Dr. C/kariim Sheekh Yuusuf Guuleed oo ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeeddada ay u fureen warshadaasi isagoo tilmaamay iney ka fikireen dhismaha warshadani kadib markii ay arkeen baahida loo qabo warshad soo saarta noocyada kala duwan ee cabitaanka taasoo looga maarmo cabitaanka laga keeno dibadda. ‘’Hadafka an ka laheyn furitaanka warshadani ayaa ahaa in la helo cabitaan tayo leh oo qiimo jaban, iyo shaqo abuurid, ahdaafta kale waa inaan dhiirigelino ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee laga yaabo ineey heystaan dhaqaale ku filan, iyo inaan noqono canshuur bixiye’’ Ayuu yiri Dr. C/kariin Sheekh Yuusuf Guuleed oo ka mid ah milkiilayaasha warshadaasi. Wasiirkii hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay warshadani u leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku amaanay mulkiilayaasha warshadaasi sida ay uga fekereen horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo warshadaasi ku tilmaamay mid looga marmi doono baahida cabitaankii dibadda laga soo dhoofin jiray, isagoo ku dhiirrigeliyay ganacsatada kale iney usoo jeestaan warshadeynta dalka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa soo diirran usoo dhaweeyay furitaanka warshadaasi wuxuuuna hoosta ka xariiqay in siyaasadda dowladdu ay tahay dhiirigelinta warshadaha dalka. Warshadan casriga ah oo farsameysa noocyada kala duwan ee cabitaanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga furo dalka 23-sano kadib, waxaana la rumeysanyahay iney dabooli doonto baahida cabitaan ee dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted April 19, 2014 Warshadan casriga ah oo farsameysa noocyada kala duwan ee cabitaanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga furo dalka 23-sano kadib, waxaana la rumeysanyahay iney dabooli doonto baahida cabitaan ee dalka. Its time for Somali Business man and Woman's to invest their wealth in Somalia . Mogadishu is moving in Fast paced - soon Somali business communities From as far stretch as South Africa Capetown will soon Get their Merchandise and Goods from Mogadishu . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 19, 2014 Not bad. Light industry is the best way to boost the economy. Economy will be affected across the board from the farmers, suppliers, jobs created, retailers. A chain effect across the economy and most importantly we don't need to be depedant on dubai a frickin desert when we have such fertile land. We should be feeding them, not the other way around. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 19, 2014 I am suprised at mogadishu progress in the past couple of years, it gives alot of hope that the nation will return if mogadishu is moving forward. Wallahi waxaa halkas dhismo ka socodo waa cajiib runti. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted April 19, 2014 Somali farmers improve domestic food production Somali farmers are able sell 2-hunred tons of high quality maize grain to WFP Musa is a farmer from Afgooye says they have the capacity for massive production . Gobolka Shabeellaha Dhexe Magaalada Jowhar “Every time a fibre optic cable is connected to a country they see their GDP [gross domestic product] going up because their communication costs go down,” Mr Egal said. “All life will be affected – businesses, the government, universities – they all will see the benefits.” Somalia will come back stronger then ever in terms of Economic power - All we need is stable Country . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 19, 2014 Good development with these little steps you can broaden the Industries Somalis need to first fill their own markets and slowly move into other markets in the regions. We are usually traders and pretty good one but we need to be industrious, no need to import soft Drinks from Abroad no need construction companies from abroad lets build our own roads our own factories. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomaliaRising Posted April 19, 2014 A nightmare for secessionist enemy. Quote Share this post Link to post Share on other sites