Sign in to follow this  
SomaliaRising

Servants of SNM traitors flee Taleex

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland oo la sheegay inay isaga baxeen degmada Taleex ee Gobolka Sool

 

 

Ciidamada Somaliland ayaa isaga baxay degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo shalay gelinkii dambe ay la wareegeen, iyadoo ciidamo ka tirsan Puntland iyo Khaatumo ay u jiheysteen deegaankaas.

 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Somaliland oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa isaga baxay maanta duhurkii, waxaana si dhab ah loo ogeyn halka ay ruuqaansadeen, hase ahaatee loo maleynayo inay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo dhaqaaqeen shalay.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay si nabadgelyo ku jirto isaga baxeen, iyagoo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ku sugan yihiin meel 15-KM u jirta Taleex.

 

Xiisadaha colaadeed ee ka jira Gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, markii Somaliland ay ciidamo fara badan soo gelisay gobolka, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaalo labada dhinac dhex mara.

 

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Sool, inay xaalada qaboojiyeen, isla markaana laga fogaado dagaal.

 

Maamulada Somaliladn iyo Puntland ayaa hawada isu marinayay eedeymo kulul oo salka ku haya muranka dhuleed ee labada dhinac u dhaxeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SNM traitors can never capture khatumo clan towns and cities except by using servants from khatumo clan. Giving them money and useless positions in the snm cabinet.

Regretly there are many calooshood ushaqaystayaal within the Khatumo factions.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this