SomaliaRising Posted April 16, 2014 Ciidamada Somaliland oo la sheegay inay isaga baxeen degmada Taleex ee Gobolka Sool Ciidamada Somaliland ayaa isaga baxay degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo shalay gelinkii dambe ay la wareegeen, iyadoo ciidamo ka tirsan Puntland iyo Khaatumo ay u jiheysteen deegaankaas. Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Somaliland oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa isaga baxay maanta duhurkii, waxaana si dhab ah loo ogeyn halka ay ruuqaansadeen, hase ahaatee loo maleynayo inay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo dhaqaaqeen shalay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay si nabadgelyo ku jirto isaga baxeen, iyagoo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ku sugan yihiin meel 15-KM u jirta Taleex. Xiisadaha colaadeed ee ka jira Gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, markii Somaliland ay ciidamo fara badan soo gelisay gobolka, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaalo labada dhinac dhex mara. Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Sool, inay xaalada qaboojiyeen, isla markaana laga fogaado dagaal. Maamulada Somaliladn iyo Puntland ayaa hawada isu marinayay eedeymo kulul oo salka ku haya muranka dhuleed ee labada dhinac u dhaxeeya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomaliaRising Posted April 16, 2014 SNM traitors can never capture khatumo clan towns and cities except by using servants from khatumo clan. Giving them money and useless positions in the snm cabinet. Regretly there are many calooshood ushaqaystayaal within the Khatumo factions. Quote Share this post Link to post Share on other sites