Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garowe ku wajahan iyo wafdi ka soo hordhacaya

Recommended Posts

_xaf_abril_1.jpg

 

 

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu tago Garoowe dhowaan, waxaana DF ay direysa wafdi wasiiro ah oo u gogol xaari doona socdaalkiisa, Caasimada Online ayaa sidaas xog ku heshay.

 

Wafdigan, ayaa waxaa horkici doona wasiirka madaxtooyada iyo cadaalada Farah Abdulkadir iyo wasiirka arimaha gudaha ee dowladdaa federalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Godax Barre.

 

Wafdigan oo la filayo inay gaaraan Garowe maalmaha soo socdo ayaa waxay usii gogol xaari doonaan safar Madaxwaynaha federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud lagu wadoo inuu dhawaan ku tago Puntland.

 

Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa dhamaadka bishan la filayaa inuu tago Garowe si uu kulama ula qaato dowladda cusub ee Puntaland uuna hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, si loo soo geba gebeeyo khilaafkii uu sababay Faroole eek a dhaxeeya labada dhinac..

 

Xog ay heshay Soomaaliyo Online, ayaa sheegeysa in dowladda Federalka ee Soomaaliya ka caawinaysa Puntland sida ay u maarayn laheed bixinta mushaaraadka shaqaalaaha dowladda, ayada oo taa beddelkeedna DF ay dooneyso in xaqa dastuurka Somalia uu siinayo ay ka hesho Puntland.

 

Waxii sidoo kale Garowe lagu qaban doonaa shir caalami ah oo looga tashan doona taaba galida nidaamka federaalka, sida ay xogta leedahay.

 

Dowladdii hore ee Puntland uu hogaaminayay Cabdiraxman Farole ayaa xiriirka u jartay Dowladda Federalka Soomaaliya iyadoo ku eedaynaysa inaysan ku dhaqmaynin dastuurka dalka.

 

Si kastaba Dowladda cusub ee Madaxweyne Gaas ayaa dhawaan ku dhawaaqdey inay xiriirkii labada dhinac dib usoo celineyso.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this