Sign in to follow this  
SomaliaRising

Maamulka SNM declares all-out war against Puntland, captures Taleex...........

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland ayaa Saakay fariisimo ka sameystay Duuleedka Degmada Taleex ee Gobolka Sool, sidaas waxaa sheegaya Mas’uuliyiin iyo Dadka Deegaanka.

Ciidamada Somaliland ayaa Saakay la wareegay tuulooyinka ku yaalla Duuleedka Degmada Taleex, waxaana jira Warar sheegaya in Ciidamada ay gudaha u galeen Degmada.

Ciidamadaan oo wata Hubka Culus ayaa haatan gacanta ku haya Degmada, sidaas waxaa sheegay Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Khaatuma, waxuuna ku daray in Dagaal uusan ka dhicin Degmada.

Maamulka Khaatuma ayaa Maamuli jiray Degmada Taleex, inkastoo Maamulka Puntland uu sheegan jiray Deegaanka.

Dadka Shacabka ee ku nool Gobolka Sanaag, ayaa waxaa soo wajahay Cabsi ku aadan in ay saameyn ku yeeshaan Dhaqdhaqaaqa Ciidan ee ka jira Gobolka, islamarkaana u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Maamuladda Somaliland, Puntland & Khaatumo, ayaa ku muransan Lahaanshaha Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle, waxaana Murankaasi oo Muddo soo jiitamay uu sababay in dhowr Sano kahor magaalada Laascaanood oo xarunta u ah Gobolka Sool ay gacanta u gasho Maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this