Dr_Osman Posted April 12, 2014 Garowe oo marti galinaysa shirweyne Puntland, Jubaland, DF & maamulka Koonfur Galbeed. Ilo xogogaal ah oo si hoose ula hadlay shabakada wararka ee Dunidaonline.com ayaa u xaqiijiyey in dowlada Puntland 18-ka ilaa 20-ka bishan April shirweyne looga hadlayo arrimaha maamul goboleedyada ku marti galin doonto magaalo Madaxda Puntland ee Garowe. Shirkan oo ay kasoo qeyb galayaan madaxda maamulada Jubaland, Puntland , Maamulka cusub ee dhawaan Baydhabo saddexda gobol looga doortey ee Koonfur Galbeed iyo Wafti ka socda dowlada Federalka Somalia oo uu hogaamin doono Ra,iisal wasaare C.wali Shiikh Axmed. Warbaahinta Dunidaonline.com oo horey wax uga qortey safarka la filayo inuu Ra,iisal wasaaraha Somalia ku yimaado Puntland ayaa qorshuhu yahay inuu kala qeyb galo dhinacyada ay ka mid yihiin Puntland, Jubaland, Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed shirweynaha dabayaaqada bishan Garowe lagu marti galinayo. Madaxweynaha Dowlada Puntland oo haatan booqasho ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa la filayaa marka uu safarkiisu soo dhamaado inay Puntland isu diyaariso qaban qaabada shirkan lagu marti galinayo. Ma ahan markii ugu horeysay oo shirar arrimaha Somalia ku saabsan lagu qabto Garowe oo ah Caasumada Puntland, walow uu noqonayo qorshaha shirkan la hadal hayo in looga hadli doono mid ka duwan shirarkii horey uga qabsoomay Garowe iyo Gaalkacyo. Xafiiska Wararka Dunidaonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites