Sign in to follow this  
malistar2012

Proffessar Yaxye Sheekh Caamir “Qaadka dalka Kenya laga keeno waa in la joojiyaa

Recommended Posts

Proffessar Yaxye Sheekh Caamir “Qaadka dalka Kenya laga keeno waa in la joojiyaa si Kenya xanuun ay udareento ?

 

Proffessar Yaxye Sheekh Caamir oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in la joojiyo qaadka ka yimaada dalka Kenya ee Dowladaasi dhaqaalaha badan kasoo gala.

 

Aqoonyahan Yaxye Shekh Caamir ayaa ku taliyay in hadii qaadka ka yimaadaa Dalka Kenya ee Soomaaliya la keeno la joojiyo, Kenya ay durba bilaabayso inay siideyso Soomaalida ay maxaabiista u haysato.

 

Wuxuu sheegay in qaadka uu kasoo galo Dowladda Kenya dhaqaalo badan qeyb ahaan dhaqaalaha dalkaasi galana Soomaaliya ay ka helaan, maadaama lacag ku dhaw halmilyan oo doolar maalin waliba ay ka helaan qaadka Soomaaliya la keeno.

“Waa in qaadka la joojiyaa oo Dowladda Kenya xanuunka la tusaa iyadaa markaasi joojin doontee dadkaan ay dhibaateynayso ee Sooomaalida”Ayuu yiri Aqoonyahan Yaxye Sheekh Caamir.

 

Dhanka kale Aqoonyahanka ayaa wuxuu dhaliilay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku dhaliilay in Wasiirka arimaha gudaha uu horay usheegay in dadka la xiray ay gaarayaan kaliya 70-ruux, xilli weli gacanta Kenya ay ku jiraan Soomaali gaaraysa 3,000.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku dhaliilay hadal uu ka sheegay kulankii uu Jaaliyada la qaatay, hadalkaasi oo ahaa in Madaxweynaha uu usheegay Soomaalidii uu la kulmay in Shabaabka dadka dhexdooda ay ku dhuumanayaan, shacabkana laga rabo inay iska soo dhexsaaraan Shabaabka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay marka loo eego qaabka ay uga hadashay Dadka Soomaaliyeed ee sida arxandarada ah Kenyatiga ay ugu dhibaateeyaan dalkaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this