Dr_Osman Posted March 30, 2014 Puntlabd President Opens two new paved roads in Bosaso city which is the fourth paved road in bosaso. There is also another road under construction jidka Sodonka and others are in the pipeline. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 Isbitaalka Qardho oo lagu soo Kordhiyay Qaybta Gargarka Deg dega (Sawiro) March 30, 2014—2 Comments Isbitaalka Guud ee Magaalada Qardho ayaa waxaa lagu soo kordhiyey Dhismo Cusub oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha Gargaar Deg Dega iyo dhammaan Howlaha Caafimaad ee u baahan in si deg deg ah wax loogu qabto. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Saadaq Eenow ayaa xarigga ka jaray Dhimahaani,waxa uuna sheegay in aad looga baahanyahay in isbitaalka Qardho uu yeesho qeyb si gaar ah wax ugu qabato arimaha Gargaar Deg dega,waxa uu xusay Wasiirka in dhismahaan kaalin ka geysan doono Badbaadinta Shacabka ay soo gaarto dhaawacyada kala duwan si loola tacaalo xaaladaha Caafimaadka ee si deg deg ah ku soo wajaha,maadaama ay jiraan Shilaal kala duwan oo ka dhaca wada laamiga. Agaasimaha isbitalka Magaalada Qardho Cismaan Cabdi Aw Muuse ayaa Wasiirka Caafimadka Puntland Dr Saadaq Eenow siiyey warbixin ku saabsan sida oo u shaqeeyo Isbitaalka Guud ee Qardho, waxana uu ku soo dhaweyay cisbitalka magaalada Qardho isagoo u mahad celiyey Wasiirka Caafimaadka oo safar dheer u soo galay sidii uu dhismahaani Xariga uga jari lahaa. Agaasimaha Isbitaalka Qardho ayaa Wasiirka Caafimaadka ku soo wareejiyey Qeybaha uu ka koobanyahay Isbitaalka iyo Dhaqaatiirta ka howlgasha iyo goobaha ay jiifaan Bukaanada ku sugan Isbitaalka,waxaana wasiirka la dhacay shaqada ka socoto Isbitaalka isagoo ku booriyey Maamulka isbitaalka in uu sii laba jibaaro dadaalka shaqo oo ka wado isbitaalka. Isbitaalka Qardho ayaa waxaa ka socdo hor wanaagsan waxaana lagu soo kordhiyey dhismayaal kala duwan,adeegyada Caafimaad oo isbitaalka Bixiyo waxaa ka faa’ideysta dadka ku nool shanta Degmo oo ka koobanyahay Gobolka karkaar oo kala ah.Qardho,Rako,Waaciye,Xaafuun,Bandarbeyla iyo Waaciye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 (Warbixin+Sawiro) Dowlada Puntland oo Dhagaxdhigtay Dhul loo dhisayo Barakacayaasha ku nool magaalada Qardho Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland,Maamulka Gobolka Karkaar iyo maamulka degmada Qardho ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhul deegaan ah oo dadka Barakacayaasha ah looga dhisayo magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xaaji Warsame oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Dhismaha cusub ee loo dhisayo dadka Barakaacyaasha ah,wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Qaramada Midoobay inay door ka qaataan Taakulanta Barakacayaasha. Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid ‘’Hogaama-laroor’’ oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintiin ka hadlay Munaasabada dhagaxdhiga ah ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay magaalo ay uso Barakacaeen dad aad u fara badan oo kaso Barakacay dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya. Beexaani Axmed Bare oo ah agaaasimaha wasaarasa arimha guadaha Puntland u qaabilsan Barakacayaasha ayaa sheegay inuu aad uso dhoweynayo Dhulka loo dhisayo dadka Barakayaasha ah. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 (Warsaxaafadeed+Sawiro) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Max’ed Cali Gaas Oo Xafiiskiisa Madaxtooyada Garowe ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday Shirkad Chain’s Ah Axad 30,03,2014 Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo Chaina Civil Engineering Construction Corporation oo loo soo gaabiyo CCECC, shirkddasi oo hore Madaxweynuhu ugula soo kulmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay. Wafdiga Chain’s-ka ah ee ka socday CCECC waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo horu marin lahaa wax ka qabashada dhinaca wadooyinka, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xidheenada iyo wax soo saarka macaadinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta Chain’s-ka ah ee ka socday shirkadda CCECC , tilmaamayna in Dowladda Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka reer Puntland wax loogu qabanayo. Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland. Kulankaasoo qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad , iyadoo kulanka ka dibna uu Madaxweyne Gaas qado shraf u sameeyey masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC. -DHAMAAD- Xafiiska Warfafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntnland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 (Sawiro) Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo dhagaxdhigay xarun cusub oo ay yeelanayso Jaamacada PIDAM Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Jaamacada PIDAM. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa amaan balaran u jeediyay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada PIDAM oo uu sheegay inay door ka qaaten kor u qaadida Waxabarshada Jiilka soo koraya. Wuxuu intaas ku daray Dr. Eenow in muhiim ay tahay in Mujtamaca laga dhiso dhinaca Aqoonta. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xassan Cade oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Jaamacada uu kor u qaadayo Waxbarshada Jaamacadu ay u hayso ubada Soo koraya. Talaabada Jaamacada PIDAM ay ku dhisanayso xarun cusub ayaa waxa qayb ka tahay dadaalka kor loogu qaadayo hormarinta Waxabarshada Puntlpand. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. www.puntlandi.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 Garowe is getting a new iftin bank branch Galkacyo is also getting a new iftin branch Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 Director of Puntland Project and development office addressing UK diaspora Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 New modern MCH opening ceremony by puntlandminister of health in carmo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 New school opened in carmo by puntland president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 New school under construction in buhodle by puntland govt Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted March 30, 2014 Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe oo dhismayaal horleh lagu soo kordhinayo( Sawirro). Posted on March 7, 2014 by editor Garoowe (East Africa University.net) Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Waxaa lagu wadaa in isbedel dhanka Dhismaha ah laga hirgasho iyadoo Madaxda Jaamacada ay Saaka Dhagax dhigeen Xarunta Maktabada u noqonaysa Jaamacada taasi oo dhawaan dhismeheeda la bilaabi doono, waxayna dhirir ahaan le’egtahay 24 halka Balac ahaanna ay le’egtahay 20 sida ay sheegeen Masuuliyiinta Jaamacada. EAU Growe Waxaa jiri Doona Dhismayaal ay ka mid yihiin fasalo horleh Meherado wax laga cuno Xarumo u gaar noqda Macalimiinta iyo Meelo la dhigto Gawaarida oo ay sii dheertahay Darjoiino ay ku nastaan Ardayda iyo martida iyadoo qorshahaasi mustaqbaka dhaw la fulin doono waxaana wali Jaamacada u harsan Dhul banaan oo hadii loo baahdo dhismayaashaasi iyo kuwo kale oo ka badanna laga dhisi karo. Dhagax dhiga Saaka ee Xarunta Maktabada Jaamacada Bariga Afrika qaybteeda Garoowe waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Afrika Mudane Dr C/Risaaq Hiirad Maxamed,Gudomiyaha Aas-aasayaasha JaaMacada JBA Sheekh Yuusuf C/Casiis,Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, iyo Agaasimaha Guud ee tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Puntland C/Laahi Cali Jaamac (Dhubad) iyagoo si wada jir ah u dhagax dhigay Maktabada Cusub ee Jaamacada loo dhisayo dhawaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qaloocan78 Posted March 31, 2014 Maan sha allaah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 1, 2014 Qaloocan, mind you I didn't even include the school minister of education opened in garoww recently, the sunajif bridge, turkey hospital and technical school project, and the new ministry for federalism Plus garowe nec electricity supplier is going to give the capital wind powered electricity. They just bought two a27-225kw turbines. Installations begin this year. Picture is below. http://www.windtech-international.com/project-and-contracts/acsa-and-nec-sign-order-for-hybrid-wind-energy-project-in-somalia All smiles in Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites