Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland MP indho from Taleex we will make Cabdi cawar our prisoner of war.

Recommended Posts

XILDHIBAAN CABDIQAADIR INDHO-INDHO OO KA MIDA GUURTIDA SOMALILAND OO DIGNIIN U DIRAY MADAXWEYNAHA MAAMUL-GOBOLEEDKA PUNTLAND

(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 25, 2014 01:24:44

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mida Guurtida Somaliland, ayaa waxa uu sheegay inaanay suurto-gal ahayn in Maamul-goboleedka Puntland uu soo faro-geliyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.

 

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mida Guurtida Somaliland, ayaa waxa uu sheegay inaanay suurto-gal ahayn in Maamul-goboleedka Puntland uu soo faro-geliyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

 

 

 

 

Xildhibaan Indho-indho oo Warbaahinta la hadlaayey, ayaa waxa uu Madaxweynaha Maamulka Puntland ugu hanjabay in isagoo Maxbuus ah laga soo qaban doono Garoowe, waxaanu shaaciyey inaanay mar-naba laga aqbalayn faro-gelin ilaa xadkaas ah, waxaanu yidhi "Madaxweynuhu dhulkiisii ayuu tegay waanu tagayaa,Somaliland-na garoowe ayay ilaalisaa oo maanta Ciidanka Qaranku wuxuu u jiraa 40-KM. Markaa Cabdiwali haduu joogi waayo oo uu isku dayo inuu Somaliland soo

 

 

 

fao galiyo isagoo maxbuus ah ayaa garoowe laga soo qaban doonaa.”

 

"Beelaha Warsan Gali iyo Dhul bahante waa reer Somaliland,mana jiro meel qabiil dawlad ku noqdaa, inanka yare e ogaadeen ee uu maalintii dhaweyd u tegay wuxuu wax la leeyahay sagaashan qoomiyadood,markaa Cabdiwali waxaan leeyahay Gaalkacayo oo Byruud noqotay oo ay hawiye wada degan yihiin oo aba Maamul leh inuu mideeyo oo waliba raas ahaan uu reerkoodu dego.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho

 

Xildhibaan Indho-indho waxa uu fariin gaara u direy Madaxweyne Ku-xigeenka maamul-goboleedka Puntland, waxa uu yidhi“Ninka ku-xigana waxaan leeyahay colaada coodanle iyo Buuhoodle inaad wax ka qabato ayaa kuu taalla halka aad isku mashquulinayso deegaanno aanad shaqo ku lahayn

- See more at: http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=126553#sthash.Gxg7r9dY.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this