Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

8 Somali elders massacred in Buurhakaba south western somalia.

Recommended Posts

Odayaal Dhaqameedyo lagu Toogtay Deegaan ku dhow Degmada Buur-hakaba

Isniin, Maarso 24, 2014 (HOL) — Oday-dhaqameedyo siddeed ah oo kaso jeeda gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay shalay gellinkii dambe deegaan ka tirsan gobolka Bay, kaddib markii lagala dagay gaaari NOAH ah iyagoo kusii socda gobolka Shabeellada Hoose.

 

Odayaasha ayaa waxay ahaayeen odayaashii dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, waxayna muddo sanad iyo seddex bilood ah ku sugnaayeen magaalada Baydhabo, iyadoo lagu toogtay deegaan 7-km u jira degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

 

Guddoomiyaha degmada Buur-hakabo, Cali Xassan oo la hadlay HOL ayaa sheegay in odayaasha lagala dagay gaari ay ku safrayeen xilli ay marayeen meel ku dhow deegaanka Jameecada, iyadoo saacado kaddibna maydadkooda lasoo dhigay meel ku dhow halkaas.

 

“Mid ka mid ah odayasha oo dhaawacmay ayaa sheegay in rag hubeysan ay dilka ka dambeeyeen,” ayuu yiri Cali Xasan, iyadoo taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan uu sheegay in dilkan ay ka dambeyso Al-shabaab.

 

Balse, Al-shabaab ayaa gaashaanka ku dhufatay inay ka dambeysay dilkii shalay loo geystay odayaashan, iyadoo sarkaal u hadlay uu sheegay inaysan jirin sabab u qasbaysa xilligan inay toogtaan odayaal dhaqameedyo.

 

Qaar ka tirsan waxgaradka iyo mas’uuliyiinta koonfur-galbeed ayaa saaka u socda degmada Buur-hakabo si ay ugu qayb-galaan aaska oday-dhaqameedyadii shalay gellinkii dambe lagu dilay deegaan u dhow degmada Buur-hakabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is madness. WTF happened?

 

talow yeey ahayeen?

 

how will these people have peace when they're slaughtering their elders. this is an all time low.

 

this vicious crime must be condemned and those responsible should pay the consequences immediately.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

They are from Shabeelaha hoose, Probably WaterMaal. I think it is part of Al-shabaab's strategy to saw discord and conflict among Somali tribes. They killed the Ugaas of some of the Jubba community ( c.Maleh) today. They did murder people in Galdogob and many other places. When there is pressure they shift the target. Also long time ago they said Wadaad xume iyo Oday xume waa laynaynaa. THe mayor of BuurHakaba said they know the culprits and they were Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this