Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Tensions in Baydhabo between the warring clan Presidents. Ethiotroops intervene

Recommended Posts

 

Sunday, March 23rd, 2014 | Posted by SEK4

Breaking News : Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Ciidamada Ethopia oo ku kala dhex jira kooxaha is diidan ee reer Baydhabo

PUNTLANDI (BAYDHABO)

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa waqtigan xaadirka ah mid aad u cakiran, ka dib markii shacbi gadoodsan iyo maamumlka cusub ee lixda gobol ay aad uga soo horjeesteen safar uu maanta kubreaking nes imanaayo magaalada Baydhabo musharax Xildhibaan Shariif Sheekh Aden iyo xubno taagerayaashiisa ah oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho.

Waqti hore oo saaka ah ayaa bartamaha magaalada waxaa lagu arkaayey shacbi iyo masuuliyiinta magaalada qaar ka mid ah oo taayiro ku gubaya jidka ka yimaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Waraka ka soo baxaya Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada Ethopia oo ku hubeysan gaadiidka dagaalku ay goobta soo gaareen, isla markaana kala cayriyeen dadkii goobahaa ku sugnaa.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ethopia ee Baydhabo ayaa u sheegay masuuliyiinta maamulka lixda gobol in ciidanka Ethopia aanay aqbli karin in nabadgalyada shacbiga iyo magaaladaba khatar la galiyo, isagoo ugu baaqay kooxaha dagaalka iyo colaada abaabulaya in ay xoogooda iyo ciidankooda ku biiriyaan goobaha uu ka socdo dagaalka dalka looga xoreynaayo kooxda Al Shabaab.

Waxaa la rejeynayaa in shirka maamul u sameynta sadexda gobol ee ka socda Hotel Bakiin uu 27.03.2014 dooran doono masuuliyiintii hogaamin laheyd maamul goboleedkaas cusub

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad-bax Rabshado wata iyo Iska-horimaad Maanta ka dhacay Baydhabo

 

Axad, Maarso 23, 2014 (HOL) — Dibadbax rabshado wata iyo is-rasaaseyn u dhexeysay taageerayaasha xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madoobe Nuunoow oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka dhacay maanta gudaha degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan inuu yiimaado magaalada Baydhabo xildhibaan Shariif Xasan oo hormuud u ah shir lagu dhisayo maamul ka kooban saddex gobol oo ka socda Baydhabo.

 

Wariyaha HOL ee Baydhabo ayaa sheegay in bannaanbaxayaashu ay waddoooyinka ku gubeen shaagagga gaadiidka, iyadoo taasi ay carqalad ku keentay habkii loosoo dhaweyn lahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Shariif Xasan oo haatan ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Iska-horimaadka oo socday muddo nus saac ah ayaan la sheegin in wax khasaare ah uusan ka dhalan, kaasoo si iskiis ah u joogsaday, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay u yeereen saraakiishii kala hoggaaminayay ciidamadii iska-horimaadku dhexmaray.

 

 

 

Xaaladda Baydhabo ayaa haatan kacsan, iyadoo Shariif Xasna iyo wafdigii la socday ay haatan ku sugan yihiin hoyga uu Baydhabo ka daggan yahay, iyadoo aan qiyaasi karin sida uu xaalku isku bedeli doono.

 

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa dhowrkii bilood ee aynu soo dhaafnay ka socday shirar iska soo horjeeda oo ay kala hoggaaminayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka iyo kuwa ku dhow-dhow.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan diidday mid ka mid ah shirkaas oo lagu dhisay maamul ka kooban lix gobol, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuusan ahayn mid waafqsan dastuurka dalka iyo nidaamka dhismaha maamullada gobollada, waxaana guddiga dhismaha maamulka lixda bilood ay iska diideen hadalka dowladda kasoo yeeray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this