Sign in to follow this  
SomaliaRising

Wasiiro maamulka waqooyi ee Alshabaab taageersan oo shil gaari ku dhaawacmay

Recommended Posts

Wasiiro ka tirsan Somaliland oo ka mid ahaa Kolonyo Madaxweynaha la socday oo shil gaari ku dhaawacmay

 

 

Labo wasiir oo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa saakay ku dhaawacmay shil gaar oo ka dhacay inta u dhaxeysa Ber-bera iyo Sheekh, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ka mid ahaa kolonyo la socotay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Wasiirka Warfaaafinta C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana ku dhintay Mid ka mid ah madax dhaqameedyada caanka ka ah Somaliland Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal.

 

C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse ayaa sheegay inuu isaga ka jabay gacanta midig, halka Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye ay soo gaareen dhaawac, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay.

 

Madaxweynaha Somaliland oo 10-kii maalmood ee u dambeeyay booqasho ku marayay gobolada Somaliland ayaa saakay ka soo kicitimay magaalada Burco, isagoo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

 

Wadooyinka deegaanada Somaliland oo ah kuwo bur bursan ayaa sababa shilal gaari oo ka dhasha dhimasho iyo dhaawac, iyadoo horay wadada aada Berbera ay gawaari mas'uuliyiin la socdeen shil ku galeen, waxaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo.

 

 

#Maamulka SNM oo la wada ogyahay in ay gacansaar la leeyihiin Argagaxisada Alshaabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this