Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Is the Arab league reversing its Foreign policy towards Somaliland

Recommended Posts

Jaamacadda Carabta Oo Ku Dhawaaqday Dedejinta Caawimooyin Kala Duwan Oo Ay Markii U Horaysay Siinayso Somaliland

 

Writen by Qaran News | Published: Mar 18th, 2014 at 10:18 AM

email to a friendprintsharesubscribe

 

Ads by Media ViewAd Options

 

 

Qaahira (Qaran news)- Ururka jaamacadda Carabta ayaa kulankiisii 141 ee heer wasiir arrimo dibadeed waxa xoghayaha guud ee ururka jaamacadda Carabta lagaga codsaday in uu dedejiyo dhamaystirka mashaariic caawimo oo taabanaya dhinacyada caafimaadka, dab-damiska iyo daryeelka deegaanka oo jaamacadda Carabtu ay ugu deeqayso Jamhuuriyadda Somaliland. Caawimadan oo qayb ka ah caawimo ay jaamacadda Carabtu si guud ugu talo gashay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa waxa uu shirku ka codsaday xoghaynta ururuka Jaamacadda Carabta in Somaliland loogu deeqo laba baabuur oo dab-damis ah, agabka daryeelka deegaanka iyo qalab caafimaad oo ay ka mid yihiin mishiinno iyo shay-baadho kelyaha lagu sifeeyo iyo qalabka sawirka shucaaca ah ee caafimaadka loo adeegsado, waxa kale oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ururka jaamacadda Carabtu ka dalbadeen xoghayaha guud iyo gacan-yarayaashiisa in ay dhaqso Somaliland u soo gaadhsiiyaan gawaadhida gurmadka-caafimaadka, mashruucan ballaadhan oo ay Jaamacadda Carabtu sheegtay in uu qayb ka yahay caawimo ururkoodu ugu talo galay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Kulankan ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ay wasiirrada arrimaha dibadda Carabtu ugu gogol xaadhayeen shir-madaxeedka jaamacadda Carabta oo lagu wado in uu dalka Kuwait ku qabsoomo 25ka iyo 26ka bishan Saddexaad waxa kale oo dalalka xubnaha ka ah jaamacadda Carabta lagaga codsaday in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymihii ay hore ugu lahaayeen si ay dowladda Federaalka ah ugu suurtogasho in ay lacago ka amaahdaan hay’adaha lacagta ee caalamiga ah iyo dalalka dunida iyo in dowladdaas lagaha shaqeeyo dib u dhiska amniga iyo ciidamada iyaga oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeyna ugu baaqay in laga wada qaado xayiraadda soo iibsiga hubka ee saaran.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta oo qabsoomay 6dii illaa 9kii bishan waxaa xubnaha Carabta loogu baaqay in ay dowladda Muqdisho u fidiyaan taageero siyaasiya iyo mid dhaqaale si ay ugu guulaysato waajibaadkeeda siyaasiga ah iyo kuwa amniga ah, iyo in Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada caafimaadka, horumarka, arrimaha bulshada, korontada iyo is-gaadhsiinta, iyo weliba in dalalka carabta ee aan safaaradaha ku lahayn Muqdisho ay dedejiyaan furashada safaaradahooda ama xafiisyo diblumaasiyadeed.

In kasta oo uu ururka Jaamacadda Carabtu mawqif mucangagnimo ah ka taagan yahay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, lana aaminsan yahay in ay ka mid yihiin caqabadaha hor-taagan in Somaliland ay garowshiyo u hesho madax-bannaanideeda, haddana tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee jaamacadda Carabta oo weliba heer wasiir arrimo dibadeed ahi ay si cad u soo hadal qaadaan caawimo la siinayo Somaliland, taas oo hore loogu yaqaannay in aanay magaceeda ku xusin kulamadooda iyo hadalladooda midna.

 

Geeska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is Arabs not recognizing their AfroHashimites(LOL, nonsense word) brothers? If not, then it is time for Maamulka SNM and SNM people to claim AfroHebrews in the search for independence :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow, each arab leauge member has its own restive tribal region. the Arab league will not ever initiate the dismemberment of a member state. that is given. ku sexo kuna so toos.

 

Somaliland is AfroOromite after all so they don't care. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not about them supporting sl independence the arab club was very hostile towards sl at some point they refused to buy our live stock,

Egypt boycotted an african union summit because of somaliland.

And now they want to send aid to sl., saudi investors arrived last week.i am asking what gives,, arr arabs fed up with the one sided foreign policy, do they want a dual trac policy perhaps the latter.. But we shall see i dont expect much from arabs generally they are very lazy , but we shall see how it goes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this