Sign in to follow this  
malistar2012

Puntland Oo Xalay Casho Sharaf U Sameyay Taliyaha Cidanka Booliiska Somalia

Recommended Posts

WAR-SAXAAFADEED 16, March 2014 :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin C/llahi Cumar Camay ayaa aqalka madxtooyada Garowe kulan casho sharaf ah habeenimadii xalay ugu sameeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda amniga Xasan Cismaan Alloore,Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Max’ed Siciid Jaqanaf, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin iyo xubno iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Boolika Puntland.

Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dhinaca kale saraakiisha amaanka dawlada Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeen in wada shaqaynta iyo kala war qadashada ciidanka dalka oo dhan ay tahay mid faa’iido weyn ay ugu labada dhinacba taasina ay muhiim tahay in la iska kaashado.

Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan.

Waxyaabaha kale ee diirada la saarayna waxaa ka mid ahaa la dagalanka Al-shabab oo beryihii danbe dagaal adag lagu qaaday , deegano ay joogeena laga qabsaday, waxaana la qiray in kooxda Al-shabab ay la kulmayeen mudooyinkii danbe dhabar jab xoog leh, taasina ay kallifayso inay ku firxdaan dalka intiisa kale.

waxaa iyadana isfahan lagayeeshay in wacyigelinta ay muhiimad gaara u leedahay xoojinta amniga, islmar ahaantaana loo baahan yahay in bulshada Puntland amuurtaasi si wanaagsan loogu iftiimiyo.

Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo.

Gen. Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Saacid waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay la dagaalanka Al-shabab iyo la socoshada firxadkooda maadaama looga guulaystay lagana qabsaday dhul badan oo ay haysteen oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya.

Isla mar’ahaantaana ay lagama maarmaan tahay hir galinta iyo hagaajinta Kulliyaddaas si loogu diyaariyo inay noqoto Jaamacad Gaar u ah ciidanka Soomaliyeed lagan soo saaro ciidan kale oo dheeraad ah kuwaas oo tayo iyo aqoon u leh shaqadooda ciidan.

Wafdiga General Saacid uu hogaaminayo ayaa waxay booqan doonaan xarunta tababarada ciidamada ee magaalada Carmso , si ay usoo arkaan dhismaha Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY, welibana ay xogo dheerada uga helaan baahiyaha asaasiga ah ee halkaasi ka jira.

DHAMAAD

Share this post

Link to post
Share on other sites

723.jpg

522.jpg

Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

2213.jpg

Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya.

240.jpg

1317.jpg

Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan.

3210.jpg

Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo.

Gen. Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Is the "Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya" in charge of Puntland's police force or is he just brandishing one of those fake titles given to anyone from that part of the world?

Share this post

Link to post
Share on other sites

aliyaha ciidanka booliska oo sheegay in socdaalkii ay ku tegeen Puntland ay guul ku soo dhamaatay

Published on March 17, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 319 views

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid saacid iyo wefdi uu hogaminayo oo maalmahanba safar shaqo ugu maqnaa deegaanada maamulka Puntland ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib kulamo ay la soo yeesheen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska Puntland.

Taliyaha iyo xubnihiisa ayaa ugu oreyn ka tegay magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha booliska, waxayna intaasi kaddib ay u gudbeen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso waxaana ay halkaasi kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliska mamaulka Puntland.

Mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen Taliyaha iyo wefdigiisa waxa ay kormeer ku tegeen xerada tababarka Carmo, halkaasi oo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee maamulka Putland, isagoo kormeerey qeybaha xeradaasi ay ka kooban tahay, goobaha saadka ciidamada, qeybaha tababarada, waxaana u jeedku ahaa sidii Taliska Booliska Soomaaliyeed uu xagga tababarada uga caawin lahaa ciidanka booliska ee Puntland.

Maxamed Siciid Jaqanaf Taliyaha ciidamada boolsika Puntland ayaa hadal kooban ka jeediyeey kulan ay ku yeesheen xerada tababarka ciidanka booliska ee Carmo, ayadoo goobtaasina ay ku sugnaayeen saraakiil iyo saraakiil xigeenno oo qeyb ka ahaa wefdiga taliyaha, booliska iyo xubno kale oo booliska maamul goboleedka puntland.

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid ayaa xusay in u jeeddada socdaalkooda ay la xiriirtay sidii ay u soo indho indheyn lahaayeen xaaladda ka jirta saldhigyada booliska ee ku yaallada Gobollada Mudug, Bari iyo Garoowe, isagoo tilmaamay in socdaalkooda uu guul ku soo gabo gaboobay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Abdiweli20140315_1.jpg

Somalia is heading right direction - 2014 inshallah will be good year for Somalia People , Alshabaab will be defeated - A strong and healthy relationship between SFG and federal states will be restored. This years Somalia will also see huge economic boom as the country goes through reconstruction .

Xaji Xanuf your worst nightmare sxb

images?q=tbn:ANd9GcSQPwYxY4v7by5kEhj9OZ9

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mooge   

<cite>
said:</cite>

^^ He is probably only there in name but it still a win for the SFG Cabdi cawar allowed him to visit because cabdi cawar can no longer resist xamar.

Xaaji niyoow this so-called police chief is fighting for his political survival. Qoslaye is planning to sack him. Nobody will tell you that because malistar and other HAG members are pro-qoslaye so they will say anything to make this failed SFG project good.

Chief saacid went to puntland so that he can fight for his position because puntland’s weight and influence can slow his demise. He wants to tell the world that qoslaye doesn’t like the chief visiting puntland and that is why he sacked him. He is putting qoslaye in tough position. Qoslaye has replaced the mayor Mogadishu and the second person he is planning to sack is the police chief. Another twist is that the police chief went against the order of Muungaab to come under Mayor’s command. Police chief is insisting that the Somali police is independent and shouldn’t be governed by the mayor of Mogadishu.

This is a power play niyoow. Puntand is taking advantage of it.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Interesting why does hassan sheikh want to sack the police chief is puntland using the police chief as its puppet what is the clan of the police chief is he from gedo or the HAG community.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this