Dalmar1 Posted March 15, 2014 Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in Biri Muqdisho lagu Aasayo AUN Maxamed Suleebaan Tubeec. Mar 15, 2014 - jawaab Post Views = 102 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaytay in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeybayo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaro oo la hadlay maanta raadiyaha afka dowladda ku hadasha,waxaa uu shaaca ka qaaday in maalinta berri ah la keenayo Muqdisho Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan,isagoona inta ku daray aas qaran loogu sameeyn doonno gudaha dalka, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan iyo bahda fanka Soomaaliyeed. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan uu kaalin weyn kasoo qaatay gobanimada dalka, wuxuuna xusay in maalinta berri ah Meydiisa la keeni doono magaalada Muqdisho. Tubeec wuxuu ahaa fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga Soomaaliya, wuxuuna ku caan-baxay magaca ‘Boqorka Codka’. Wuxuu fanka billaabay 1950-meeyadii. Tubeec wuxuu leeyahay heeso badan oo isugu jira waddani, jaceyl, guubaabo ammaan, duco iyo heellooyinka qaraamiga ah. Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya. Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah Nasteexo, Alla Maanta ayaanta, Heesta Sanadka iyo Waqti. Nagala Soo Xiriir Alldhacdo@gmail.com « WARBIXINTA KA HOREYSAY Xog:- Maxay Yihiin Wasiirada uu C/weli Sheekh Axmed u dirayo Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted March 15, 2014 lol. Why does qoslaye wants to "help" him now? the so called goverment could have provided help to him when he was begging for help. now they want to spend all that money for preparations, and burial when the money they want to spend could have helped him when he was sick. when we have these people as leaders, somalia is lost. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cadale Posted March 15, 2014 Actually Mooge, AUN tubeec's son thanked reer Muqdisho and the SFG as they paid the most in somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 15, 2014 Great news Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 15, 2014 Maadaama diyaaradda Turkiga soo qaadeyso meydkiisa, Xamar ayee kasoo dajinee. Marka salaadda janaasada lagu tukado waala sii galbin karaa meydka oo meesha reerkiisa rabaan lagu duugaa, waana saa filaayo inay noqoneyso ama u dhaceyso. Eebbe ha u raxmado marxuumka. Quote Share this post Link to post Share on other sites