Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Silanyo visits Gabiley Awdal Zeylac+ Hero's welcome

Recommended Posts

Madaxwayne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Jidka Dilla Illaa Boorame

MARCH 11, 2014

Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay Jidka Boorama Iyo Lawyacado Oo Bilow ah14

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan Marwada 1aad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada wasaaradaha Madaxtootada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga, Beeraha, Warfaafinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliayaasha ciidanka Booliska iyo Qaranka Xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa soo gaadhay maanta magaalada Boorama.

 

Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay gobolka Awdal si wayn loogu soo dhaweeyay, waxana ka hor tagay Maamulka Gobolka kan degmada, xildhibaanada golaha degaanka Boorama, Madaxda hayada ASARDA oo martiqaadaka madaxwaynaha iska lahaa, salaadiin, culimaaudiiin, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray jid taariikhi ah oo dhererkiisu dhan yahay 24km kaasi oo isku xidhaya magaalooyinka Dila iyo Boorama, kaasi oo ay xukuumadu intiisa badan maalgalisay dhismahiisana ay gacanta ku haysay hayada hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ee ASARDA. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu isla maanta dhagaxa dhigay jid kale oo mustaqbalka la dhisi doono kaasi oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Magaalada Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djibouti.

 

Isla maanta ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo Wafdigiisu waxa ay ka qayb galeen madal balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay, oo ka qabsoontay hoolka Jaamacada Camuud, waxana halkaasi ku kulmay haldoorka gobolka Awdal oo dareensan in maalintan ay tahay maalin taariikhi ah oo ku suntan dhamaadka jid mudo dheer loo baahnaa oo dhismisu dhamaaday.

 

Madashan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise waxana uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu jidkani soo maray waxana uu yidhi “Mudane Madaxwayne waa noo farxad inaad maanta xadhiga ka jarto dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha oo taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay xukuumadaadu suura galisay inuu dhismo, hindisaha dhismaha jidkan waxa uu ahaa mid mudo dhawr sano ka hor ah soo bilaabmay, waxana uu ahaa hami caafimaad qaba ku dayasho mudan oo maanta iftiinkiisu uu dalka oo dhan ku baahahay, dadka reer Somaliland-na dareensiiyay inay wax qabsan karaan hadii la taageero”

 

“Mudane Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in 100maalmood ee ugu horeeyay ay xukuumadaadu dhagax dhigtay 4km oo jidkan ah, wixii ka dambeeyayna ay xukuumadu 12km oo kale ku dartay iyada oo u igmatay hayada ASARDA oo ka wakiil ahayd dadka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal, maantana guul ku dhamaaday. Md. Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 24km ay xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay dhistay sedexqayboodoow laba qaybood, halka ay qaybta hadhay oo dhan 8km ay dhamaystireen dadka ku dhaqan Awdal iyo Salal oo taageero ka helay qurbojooga, shariikadaha waawayn ee dalka iyo dadwayne badan oo reer Somaliland ah, waxana aan si wayn ugu mahadnaqaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha jidkan ee dalka iyo dibadaba wada jooga iyo gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isagu xilgaar ah, ixtiraam iyo mudnaan na siiyay mudadii ay shaqadani Socotay, murtiduna waxa ay tahay in Mudane Maxawayne aad tahay shaqsiyada ugu mudan in loo mahadnaqo oo ku dhiiratay dhismaha jidkan iyo dhamaan dhismayaasha kale ee jidadka ee ka socda dalka Somalilan” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdilaahi

15

17

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Abuukar Xuseen Miicaad iyo Xaaji Muumin Jaamac Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta hayada ASARDA, waxana ay ku dheeraadeen sida taageeradii ay xukuumada xisbiga Kulmiye bixisay ay u noqotay mida suura galisay in jidkani uu dhismo, sidoo kalena waxa ay madaxwaynaha uga mahadnaqeen dhagaxdhiga jidka Boorama iyo Lawyacado, waxana sidoo kale ay dadka ku dhaqan gobolka Awdal ku dhiiri galiyeen inay ka qayb qaataan dhimaha jidka Ceerigaabo oo ay xuseen in uu dalka ahmiyad gaar ah u leeyahay”

 

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan anaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumadii Waxqabadka, sidoo kalena waxa aan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa, waxana aan leeyahay dalka laba dawladood kama wada jiri karaan ee Xukuumada Kulmuye ha loo daayo hagida siyaasada arimaha dibada hana lagu taageero”

 

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xukuumada iyo Madaxwayne Siilaanyo ku bogaadiyay waxqabadka ay muujiyeen waxana uu yidhi “Marwalba oo tartan yimaado waxa badan inta hadalka badinaysa , waxana aan leeyahay M/Siilaanyo adigu fadhiga isaga tasbiixso, umadana u sheeg waxqabadkaaga kuna dheh intana waan qabtay, inta dhimana waan qabanayaa ee sidaas igu doorta, anaguna waan ka marag kacaynaa in aad wax lataaban karo oo waxqabad ah la timid”

 

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayay afka Salaadiinta ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in gun iyo gabagabo ay xukuumadu tahay mida suura galisay dhismaha jidkan waxana uu yidhi “Jidkan dhismay waan ka mahadnaqaynaa, waxana an leeyahay ama ASARDA ha dhisto, ama ganacsade wax ha ku daro ama cid kale ha ka qayb qaadatee M/Siilaanyo iyo xukuumadiisu waa mida suura galisay dhismaha jidkan ee aan u mahadnaqayno, waxa kale oo aan madaxwayna uga mahadnaqayaa dhagaxdhiga jidka Boorama iyo Lawyacado, waxana aan xusuusinayaa in aan hore uga wada hadalnay dhismaha dekeda Lughaya, oo aad taageertay waxana aan kaa codsanaynaa inaad noo dhagax-dhigto”

 

Masuuliyiin ka socotay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Group oo iyagu taageero balaadhan ka gaystay dhimaha jidkan oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin in jidkii Dila iyo Boorama isku xidhayay uu dhamaaday, isla markaana uu jidkani waxwayn ka tarayo isku socodka dalka gudihiisa ah, sidoo kalena ay hayada ASARDA mudan tahay in lagaga daydo waxqabadka”

 

Maayarka Boorama Md Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaab ku xigeena Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal ayaa iyaguna xukuumada ku amaanay waxqabad, sidoo kalena ka marag kacay in hayada ASARDA oo ka wakiil ah bulshada goboladan ay astaan u tahay waxqabad ay umada Somaliland u bandhigi karto dunida.

 

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Gaashaan dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in dadka reer Awdal ay yihiin kuwo hormarka iyo ilaalinta qaranimada ku abtirsada, waxana uu Wasiirka Arimaha guduhu yidhi “Waxa aan ahay Wasiirkii Daakhiliga, waxana aan indhaha ku hayaa xaalka dalka gaar ahaan dhinaca dambiyada, shaqaaqooyinka iyo arimaha la halmaala, waxana aan sheegayaa in Boorama ay kaalinta koowaad kaga jirto dhinaca nabadgalyada”

 

Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadaka soo afmeeray ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay soodhawaynta balaadhan ee milgala leh ee aan aniga iyo wafdigaygu kala kulanay dadka ku nool gobolka Awdal, waxa aan u mahadnaqayaa hayada ASARDA iyo dhamaan hayadaha kale ku hawlan dhimaha jidadka dalka, waxa aan ka marag kacayaa in wadooyinku yihiin halbowlaha koboca dhaqaalaha ee dalka, kuwa sahla is dhexgalka dadka iyo hormarka bulsho, sidaasi aawadeed, kuxuumadaydu waxa ay garawsan tahay arimahaas oo dhan, waxana aan hiil iyo hooba ka gaysan doonaa dhimaha jidadka dalka, waxana aan shacabka ugu baaqayaa in dhinacooda ay ka qabtaan oo ay taageeraan hormarka ay xukuumadu wado, nabadgalyada adkaynteeda iyo iskuduubnida shacabka Somaliland.

 

Madashan ayaa waxa ay hayada ASARDA abaalbarino shahaado sharaf ah ku gudoonsiisay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay tilmaameen inuu yahay hormuudka waxqabadka dalka ka socda, Wasiirka Madaxtooyada oo ay carabaabeen inuu taageero balaadhan la barbarjoogay dhismaha jidkan dhamaaday, sharkiikadaha Dahabshiil Group iyo Telesom iyo shaqsiyaad kale oo ka qaybqaatay taageero wax ku ool ahna ka gaystay dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha ee dhamaaday, iyo Maareeyaha Hayada Wadooyinka Somaliland Md. Xasan Cali CIsmaan oo laga marag kacay hogaankiisii wanaagsanaa ee hayada ASARDA iyo sidii uu uga qayb qaatay bilawga jidkan.

 

Sidoo kale waxa shahaado sharaftan xushaha badan ay hayada ASARDA gudoonsiisay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi iyo ganacsade OOMAAR oo taageero qaadhaan ah oo balaadhan ugu deeqay jidka, Shirkada SHABA iyo CAMUUD FOUNDATION oo iyaguna dhankooda ka bixiyay qaadhaano loo baahnaa, Jaaliyadaha reer Awdal iyo Salal ee dalalka UK, Australia Canada,, Imaaraadka Sweden Norway Sudan, Masar, Djibouti iyo Sucuudiga oo shahaado sharafta lagu maasuusay ku mutaystay sidii ay dhagaha ugu fureen baaqyadii ka soo yeedhay hayada ASARDA eek u aadanaa ka qayb qaadashada dhimaha jidkaas, Xoghayaha IGAD Md. Maxbuub Macalin oo taageero shaqsiyeen oo aad u balaadhan ugu deeqay jidkaasi, iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Md. Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo shahaaado sharafta la gudoonsiiyay laga marag kacay in uu ku mutaystay sidii waqtigii ay hayada ASARDA socodbaradka ahayd, gobolkana ay ka socdeen duufaanadii siyaasadeed ee isbadal doonka ahaa, uu garabka iyo gaashaanka ugu noqday hayada ASARDA kana dhigay hayada u taagan hormarka kana madax banaan siyaasada.

 

Somaliland.Org/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this