SomaliaRising Posted March 11, 2014 Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka Allaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal ku yaal dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka, oo in muddo ah ku xanuunsayay. Geerida Fanaanka waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Suleymaan Rubeec, isagoo sheegay in mudadii uu isbitaalka ku jiray labo jeer qaliin lagu sameeyay. Allaha u naxariistee Fanaanka ayaa ka xanuunsanayay dhinaca Sambabada, iyadoo dhowr jeer laga daweyay xanuunkaas sida ay xaqiijiyeen eheladiisa. Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa fanaaniinti loogu jeclaa dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa heeso wadani iyo kuwa kale oo uu xiliyo kala duwan ku luuqeeyay, waxaana uu ahaa nin magac iyo maamuus ku dhex lahaa umada Soomaaliyeed. ALLAHA U NAXARIISTO Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted March 11, 2014 AUN marxuunka, he will be missed Quote Share this post Link to post Share on other sites