Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan oo la kulmay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada

Recommended Posts

2014310635300405783916196IMG_2284.jpg

 

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka.

 

Kulanka oo arrimo dhowr ah oo ammaanku uu ugu muhiimsanaa looga hadlay, waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, waxaana kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre.

 

 

2014310635300405451084239IMG_2235.jpg

 

 

Guddoomiyeyaasha uu Madaxweynuhu la shiray ayaa kala ahaa: Guddoomiyaha Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Sh. Dhexe Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii).

 

 

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, si gaar ah wuxuu faah faahin uga bixiyey hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada qaar, isagoo sheegay in howgallada ammaanka lagu xaqiijinayo lasii wadi doono.

 

2014310635300405622170267IMG_2237.jpg

 

 

"Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah" Madaxweynaha ayaa yiri.

 

Mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda ee mustaqbalka dhow ee ku wajahan hirgelinta nidaamka federaalka iyo dimuqraadiyeynta wuxuu yiri: "Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag.”

 

Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyey ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

2014310635300405783916196IMG_2284.jpg

 

 

waa wax lagu farxo in gudoomiyaasha ay caasimadooda ku xirnaadaan DFS

 

 

 

Guddoomiyeyaasha uu Madaxweynuhu la shiray ayaa kala ahaa: Guddoomiyaha Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Sh. Dhexe Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nuur (Siidii).

Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, si gaar ah wuxuu faah faahin uga bixiyey hawlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada qaar, isagoo sheegay in howgallada ammaanka lagu xaqiijinayo lasii wadi doono.

 

"Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah" Madaxweynaha ayaa yiri.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this