Sign in to follow this  
malistar2012

Great Progress in Mogadishu by the Business community

Recommended Posts

Well done and congrats to the Somali business Man and woman who invested their money on this particular project Keydka Shidaalka Dekedda Muqdisho .

 

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=7tMH-ak5ulw

 

 

Muqdisho (Sh M Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo la hadlay Warfidiyeenada kadib markii uu maanta si rasmi ah Xarigga uga jaray Mashruuc lagu hirgelinayo Keydka Shidaalka Dekedda Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay faa’iido weyn ugu jirto Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed islamarkaana ay Muhiim u tahay in Dekedda Muqdisho ay yeelato Keyd Shidaal.

 

Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi kudaray in Mashruucaani lagu hirgalinayo Dekedda oo yeelato Keyd Shidaal in ay Calaamad u tahay Horumarka ay ku tillaabsaneyso dowladda Soomaaliya , wuxuuna u Mahad Celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee gacanta ka geysatay Hirgelinta Mashruucani isagoo dhanka kale ugu baaqay Ganacsatada kale ee qurbo Joogta ah in ay dalka dib ugu soo celiyaan dhaqaalahooda si dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay kaga faa’ideystaan iyagoo ku dayanayo ganacsatada kale ee gudaha dalka ku sugan ee ka shaqeynaya Horumarka dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Xusay in ay Muwaadiniin fara badan ay ka faa’idayaan Mashruucaan lagu hir geliyay Keydka Shidaalka ay yeelatay dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana looga gudbayo caqabado kale oo dhanka Shidaalka la xiriira oo ka taagnaa Badroolka Dekedda laga Isticmaalo.

 

Mashruucaan Maanta Madaxweynuhu xariga ka jaray ee lagu hir geliyay Keydka Shidaalka ee Dekedda Magaalada Muqdisho waxa uu soo socday Muddo Labo sano ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this