Xaaji Xunjuf Posted March 7, 2014 Ciidanka Maamulka Cusub ee ‘Koonfur Galbeed’ oo ku wajahan Kismaayo Kismaayo (KON) — Ciidamo hoostaga Maamulka Cusub ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (K.G.S), ayaa isku aruursanaya Deegaan ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo, Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Teaser Image Ciidanka Maamulka Cusub ee ‘Koonfur Galbeed’ oo ku wajahan Kismaayo Wararka ay Keydmedia Online helayso, ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo daacad u ah Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aadan in hadda lagu diyaarinayo Deegaanka Goobweyn. Ujeedka Abaabulka Ciidan, ayaa waxa uu yahay sidii Axmed Madoobe & Maleeshiyadiisa "looga dulqaadi lahaa Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka ku nool Kismaayo". Ciidamadaan ayaa hogaaminaya Sarkaal magaciisa aan ku helnay Cabdullaahi Shimbir, waxaana ay Ciidankan oo si aad ah u hubaysan ay Difaac ugu jiraan halka loo yaqaan Sabca-Asharaaf oo magaalada Kismaayo u jirto 7 KM. Shacabka Kismaayo, ayaa ka codsaday Maamulka Koonfur Gelbeed in si Deg Deg ah loogu soo magacaabo Shaqsi Shacabka matala sidoo kalena looga dul qaado Xasuuqa Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Raas Kambooni. Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa wada Qorshooyin Military iyo Mid Siyaasadeed oo Kooxda Al shabaab iyo Maleeshiyada Kooxda Raas Kambooni looga saari lahaa dhamaan Deegaanada iyo Degmooyinka Gobolada Lixda ah ee Maamulka hoostaga. Keydmedia Online — Xafiiska Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mahiigaan Posted March 7, 2014 Is he another Barre Hiiraale?. Koofurta waa in diyaarado ku rusheeyaan biyo cashar ah ( tahliil?). Dadku caadi maaha!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted March 9, 2014 Another conflict on the horizon? Quote Share this post Link to post Share on other sites