Sign in to follow this  
malistar2012

Fikirka Wasiirrada Xukuumadda amniga uga shaqeynayaan oo sii baahaya

Recommended Posts

Fikirka Wasiirrada Xukuumadda amniga uga shaqeynayaan oo sii baahaya

 

Qorshaha cusub ee Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya ay ka waddo caasimadda dalka ee Muqdisho ee ah, guddiyada wasiirrada iyo xildhibaannada ah oo ka howl-galaya degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ammaanka ka qeyb qaadanaya, waa arrin ugub ku ah waddanka, maadaama looga qeyb qaadanayo amniga iyo xasilinta caasimadda, Bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabbo kala duwan uga hadleysa arrintan, balse waxa ka muuqanaya waa in dadka iyo dowladdu isku xermaan oo ay wada Shaqeyaan.

Gobolka Banaadir waa 17, degmo, degma walba waxaa wakiil looga dhigay in maamulka ka jira uu kala shaqeeyo amniga iyo horumarinta Bulshada wasiir, Xildhibaanno iyo saraakiil amniga ka shaqeysa, hadal heynta Bulshadu waa in qorshan haddii uu raaggo oo uu muddo dheer socdo lagu guuleysan karo xasilinta amniga Muqdisho, si loogu gudbo gobollada kale ee dalka oo hadda ay ka bilowdeen howllo Al-Shabaab loogu saarayo.

 

22-kii bishii la soo dhaafay ayuu soo baxay go’aanka Xukuumadda ee wasiirrada ay uga qeyb qaadanayaan amniga Muqdisho, illaa hadda waxaa muuqaneysa in sidii loogu talagalay ay u socdaan howlahaasi, shacabka Soomaaliyeed waxaa ku dhashay dareyn ku aaddan in dowladdu ay diyaar u tahay in si toos ah ay uga wada shaqeeyaan la dagaallan argagixisada Al-Shabaab.

 

Degmooyin badan ayaa laga dareemayaa is dhexgalka Bulshada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirro badan ayaa wada ololle ballaaran oo ku saabsan sidii Bulshada looga dhaadhicin lahaa in ay taageeraan dowladda, isla markaana ay Kalsooni ku qabaan ciidammada ammaanka, iyagoo si toos ah ula shaqeynaya.

 

Fikirka uu soo kordhiyey in wasiirrada Xukuumadda ay amiga Muqdisho ka qeyb-qaataan waa in Kalsooni ay dhexmarto Bulshada iyo dowladda, dhacdooyinka amni darada keenaya ee Al-Shabaab la damacsan yihiin mar walba Muqdisho waa mid ku saleysan in ay iska hor keenaan dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed ee waddniyadda ay ku dheertay.

 

Masuuliyadda saaran maamullada degmooyinka gobolka Banaadir iyo shacabkooda, waa in ay gacan siiyaan masuuliyiinta sarre ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi waxa ay keeni doontaa in laga guuleysto kooxaha sida baqdinta leh ugu dhex dhuumanaya Muqdisho ee Al-Shabaab ka tirsan.

 

“Hal ku dhigga Nabadda waa la dagaallan argagixisada, gacan siinta ciidammada ammaanka Qaranka, ka shaqeynta horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna” ereyadaas oo dhan waxaa laga dhabbeyn karaa haddii lagu dhabar adeeggo qorshaha Xukuumadda ay waddo ee amiga lagu dardargalinayo sidii loo sugi lahaa.

 

Shacabka Soomaaliyeed waa ay la socodaan in Al-Shabaab aysan ka sirdoon wanaagsaneyd dowladdeena, ciidanka Qaranka waxa ay u baahan yihiin waa in lagu gacan siiyaa sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen Al-Qaacidda.

 

Dhanka kale waxaa bilowday howl-gallada dib u xoreynta gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, taas waxa ay cadeneysaa in dalka Nabaddiisa sii baaheyso.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this