Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynaha Puntland Cabdiweil Gaas oo Ciidamo AMISOM Ah Dalbaday

Recommended Posts

 

madaxweyne-cabdiweli-gaas-oo-madaxa-hays

 

 

 

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wakaalada Wararka Reuters qadka Taleefanka ugu sheegay in Shacabka ku nool Puntland caawinaad kaga baahan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan amaanka xuduudahooda.

Arintaan ayuu u sababeeyay C/wali Gaas in Qatar kaga soo wajahan tahay dagaalyahanada Al-shabaab uu sheegay inay ka dhamaanayaan deegaanada iyo degmooyinka Koonfurta Soomaaliya,ka dib markii culeys ka soo wajahay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa oo iyagu wada dhaq dhaqaaq Ciidan.

 

“Shacabka Puntland,waxay u baahan yihiin taageero kaga yimaada Ciidamada AMISOM si ay u xaqiijiyaan amaanka xuduudaha xiga dhanka Gobolada Koonfurta,”ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

 

Sidoo kale,madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo Al-shabaab inay ka soo baxaan deegaanada Koonfurta Soomaaliya,xilli Ciidamada Ethiopia ay ku biireen AMISOM sanadkii tagay,laakiin wuxuu tilmamaay in arintaasi wali dhicin.

 

“Waxaa cad in qaar ka mid ah dagaalada Al-shabaab ganbaad ka raasanayaan qeybo ka mid ah Puntland gaar ahaan buuraha Gal-gala,”ayuu yiri Mr Gaas,isagoona wacad ku maray inay cagta marin doonaan.

 

Dagaalyahano ka tirsan ayaa Al-shabaab ayaa ka dhaq dhaqaqaaqa qeybo ka mid ah deegaanada Puntland,waxaana hada Puntland cabsi ka soo wajahday howlgalka ay sida wada jirka ah ugu dhawaaqeen Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab,taasi oo ay sheegeen inay suurta gal tahay inay Al-shabaab ay isku xoojiyaan Buuraha Galgala oo hada ay ka howgalaan.

 

Maamulka Puntland ayaa Ururka Al-shabaab ku eedeeyay weeraro ka dhacay deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

malistar lool. alshabab lives a luxury life in the South. their work will be cutout for them if they try to move into puntland. they will be wiped out completely like we did when they came to galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this