Xaaji Xunjuf Posted February 21, 2014 Al-shabaab oo la wareegay Deegaano ka tirsan Galgaduud Gurceel (KON) - Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa la wareegay Deegaan lagu Magacaabo Bukure oo Qiyaastii 50KM u jira Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, Bartamaha Soomaaliya. Teaser Image Al-shabaab oo la wareegay Deegaano ka tirsan Galgaduud Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab oo wata Gaadiid Fagaal ay Xalay si Nabadgalyo ah ay kula Wareegeen Deegaankaasi, oo hore ay u heysteen Ciidamada Ahlusunna ee Gobolka Galgaduud. Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamadii Ahlusunna ee Deegaanka Bukure ku sugnaa ay ka soo baxeen Deegaanka islamarkaana ay soo aadeen Dhanka Demada Gurceel, sidaasna Maleeshiyada Al-shabaab ay u la wareegeen deegaanka. Dadka Degmada Gurceel ayaa noo Xaqiijiyey in Al-shabaab hada ay ku sugan yihiin deegaankaasi, waxaa sidoo kale jira in degmada Gurceel ay ka baxeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ahlusunna oo halkaasi ku wajahan. Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna iyo Maamulka Degmada Gurceel ,wali kama hadlin la wareegitaanka Al-shabaab,Deegaankaasi ka tirsan Galgaduud. Quote Share this post Link to post Share on other sites