Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Jubba state highest security commander assassinated in Kismayo.

Recommended Posts

War Deg Deg ah– Taliyihii u sareeyey Ciidanka amaanka Jubaland oo Kismaayo lagu diley

Ciise kaambooni oo ahaa Taliyihii ugu sareeyay Ciidanka Amaanka Jubaland ayaa caawa fiidkii lagu diley Kismaayo, Mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa isna isla goobta ku dhintey mid kalena waa dhawac.

Askariga dhawaca ah ayaa aqoonsadey ninka dilka geystey oo isna isla ciidanka ka tirsanaa laakiin bilo ka hor ayuu ninka dilka geystey uu kasoo goosteyvAl-shabaab wuxuuna la heyb ahaa taliyaha uu diley.

Sida la aaminsan yahay ninka dilka geystey oo sheegtey inuu kasoo goistey Shabaab ayaa xaqiiqda ahaa sargaal shabaab ah oo kaarto ahaan isusoo dhiibey si uu uga agdhowaado Taliyaha uu diley oo markii hore loo soo direy inuu Lhaarajiyo.

Ciise kaambooni wuxuu ahaa taliye aad looga jecel yahay jubaland, wuxuuna qayb wayn ka qaatey amaanka Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgallo ka socda Kismaayo iyo dad siyaabo kala duwan loo dilay

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib howlgallo ay maanta gudaha magaaladaas ka sameeyeen ciidamada amniga maamulka KMG ah ee Jubba. iyadoo dadkan qaarkood si bareer ah loo toogtay.

 

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii xalay lagu dilay gudaha degmadaas taliyihii nabadsugidda Jubbooyinka, Ciise Kambooni kaasoo uu dilay ruux ka soo goostay Al-shabaab.

 

Dad badan ayaa la sheegay in lagu qabqabtay howllgallada, iyadoo rasaas ay ciidamadu fureen ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah, halka laba qof oo kalena ay toogasho ku dileen ciidamada maamulka, kuwaasoo looga shakiyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

 

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladu ay saameyn xooggan ku yeesheen howlaha ganacsiga Kismaayo, iyagoo intaas ku daray in lagu arkayo magaalada ciidammo fara badan oo kuwa maamulka ka tirsan.

 

“Dadka dhintay tiradooda waa toddoba qof, kuwaasoo qaarkood si bareera ah loo toogtay markii looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo kuwo ay ku dhacday rasaas ay ciidamadu rideen,” ayuu yiri wariyaha Radio Muqdisho uga soo warrama magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Aadan Kismaayo.

 

Sidoo kale saraakiil u hadlay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan marka ay howlgalladu soo dhammaadaan, isla markaana dadka lagu qabqabtay lasoo saari doono maxkamad.

 

Ugu dambeyn, saraakiisha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inaan mar dambe la aamini doonin xubnaha kasoo goosta Al-sbabaab ee kusoo biira maamulkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

alshabab killed this guy and i know HAG remnants and SNM are looking for clan tension, but truth is, Jubaland has moved on. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this