Xaaji Xunjuf Posted February 16, 2014 Ciidamo & Saraakiil alshabaab ka tirsan oo Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug kusoo qulqulaya. 16. februar 2014 Allpuntland Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gaareen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo ciidamadan ay ka yimaadeen degmada Buulo Burde iyo Ceelbuur sida ilo wareedyo Allpuntland ay u xaqiijiyeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha gaaray degmada Xarardheere ay ku jiraan kuwo sar sare oo horay ugu sugnaa Gobolka Hiiraan iyo Galgaduud. Dadka deegaanka Xarardheere ayaa sheegaya in labadii maalmood ee u dambeysay ay degmadaas soo gaarayaan saraakiil iyo ciidamo ka imaanaya Galgaduud iyo Hiiraan. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo soo galay, kuwaasoo ujeedkooda yahay inay la wareegaan deegaanada Shabaab ku sugan yihiin. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Dhuusa Mareeb ayaa la sheegay in qorshahooda yahay inay la wareegaan degmada Ceelbuur, halka ciidamada kale ee gaaray Hiiraan ay ku wajahan yihiin degmada Buulo Burde, waxaana labadaas degmo ay yihiin fariisimaha ugu weyn ee Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 16, 2014 Now that the Ethiopians have reached Hiiraan , the Ethiopian amisom forces will liberate Bule burde the Alshabaab strategy is to have forces up north and to find a safe heaven for their militia between Galguduud and Mudug. And ofcourse to maintain the Alshabaab linked cell in the Galgala Mountains in Bari. Alshabaab have lost all the major battles but they want to go underground and haven't lost the war. Alshabaab will conscript new recruits for them the Xabashi troops under Amisom is a blessing. Alshabaab biggest weakness they cant afford to lose Baraawe for its their southern command which executes much of the attacks into Banadir region. And if they lose that one they will try to move to Middle Jubba where they still have allot of say. Quote Share this post Link to post Share on other sites