SomaliaRising Posted February 12, 2014 Madaxweyne Xasan Sheekh "Hal habeen xataa qandho ima qaban, waa caafimaad qabaa" (Dhageyso) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu geeriyooday, isagoo ku eedeeyay kooxo cadaw ah inay wararkan faafiyeen, kuwaasoo doonaya inay qal qal geliyaan dalka iyo siyaasadiisa. Madaxweynaha oo wareysi siiyay Raadiyaha dowladda ayaa waxaa uu sheegay inuu booqasho ku joogo dalka Turkiga, oo uusan aheyn mid rasmi ah, hase ahaatee uu yahay booqasho uu kula joogo qoyskiisa. "Aniga Caafimaadkeyga waa boqolkiiba boqol, hal habeen xataa qandho ima qaban, wararka la been abuurayay waa kuwo qal qal lagu gelinayo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasada dowladda"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in markii warkan uu soo baxay ay la soo hadleen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo dad Soomaaliyeed, waxaana uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan wararkan dad u shaqeeya cadaw sida uu yiri. "Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab"ayuu yiri Madaxweynaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Hey'adaha amniga inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad sida uu yiri. _________________________________________________ BUT Xamar is not that lucky. Xamar is burning while Culusoow is eating Cambuulo in the finest Mohadishu Hotel. DEG DEG: Jug Xoog leh oo madaafiic ah oo caawa ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Muqdisho Jug xoog leh oo u muuqda dhawaaqa Madaafiic soo dhacaya ayaa xilligan laga maqlayaa qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn goobaha ay ku soo dhacayaan iyo halka laga soo ridayo. Meelaha jugta xoogeeda laga maqlayo ayaa ah degmooyinka ku xiriirsan Maka Al-Mukarama ilaa degmada Madiina oo dadka ay si aad ah u maqlayaan jugta xoogeeda. Dadka reer Muqdisho ayaa taleefano isku wacaya oo is weydiinaya halka jugta ay tahay ama madaafiicda goobaha ay ku dhacayaan, waxaana habeen kale magaalada u muuqataa mid dadka dhagahooda ay ku soo dhacayaan jugtii iyo duqeymihii ka dhici jiray caasimada saddex sano ka hor. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Waabari ee degan agagaarka Jidka Maka Al-Mukarama ayaa u sheegay Jowhar.com inuu maqlay ilaa shan dhawaaq madfac ah, lamana oga halka ay ku abaaran tahay rasmi ahaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacayaan qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geysanayo, hase ahaatee walaaca dadka ayaa ah mid taagan. Todobaadkii hore ayay aheyd markii labo habeen madaafiic ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kaasoo taliska Booliska uu ku tilmaamay walxo dheemisha ah oo lagu qal qal gelinayo magaalada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted February 12, 2014 God help our people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted February 12, 2014 Alshabaab are increasing their attacks desperately shelling the civilians at night with mortar easy to carry to cause panic and set back , SFG troops and Amisom are ready to pacify Alshabaab from Somalia , Dangerous times as Terrorist are losing the plot and are desperate. well trained Gov Troops are on the move . Quote Share this post Link to post Share on other sites