Saalax Posted February 2, 2014 Xubno ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya lagu xiray Hargeysa Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay garoonka magaalada Hargeysa ka qabteen shalay galab saddex ma’suul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saddexdan qof ay qabteen xilli ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Hargeysa. “Saddexda xubnood waxaa gacanta ku dhigay booliiska iyagoo doonaya inay si qarsoodi ah ku galaan Hargeysa, maxkamad ayaana soo taagaynaa,” ayuu yiri Waran-cdde Mas’uuliyiintan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa kala ah: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/Casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia. Sidoo kale, Waran-cadde wuxuu sheegay in xubnahan ay diyaaradda kasoo raaceen Muqdisho ayna doonayeen inay Hargeysa soo galaan, isagoo xusay inaysan ahayn dad halkaas taraansit ku marayay. “Xubnaha waxay doonayeen inay Hargeysa galaan, wayna ogaayeen inuu sharci adag halkan ka yaallo xubnaha xilalka ka haya dowladda Soomaaliya waana la xisaabtamaynaa,” ayuu wasiirka oo sharraxayay eedeymaha loo haysto saddexdan qof. Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Hargeysa oo aan la ogeyn, waxayna noqonayaa mas’uuliyiintii ugu horreeyay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo sannadkan cusub lagu xiro Somaliland. Dhanka kale, ma jiro hadal intaas dhaafsiisan oo ku saabsan xariga loogu geystay Hargeysa mas’uuliyiintan, mana jiro hadal kasoo baxya dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya oo ay shaqaale u ahaayeen. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay wadahadallo ku yeesheen dalka Turkiga mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Somalia iyo Somaliland kaasoo ay kaga hadleen ay iskaashi ku yeelan lahaayeen. Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online http://www.hiiraan.com/news/2014/Feb/wararka_maanta2-45160.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 2, 2014 Dhubuq dhubuq hore dhabano hays dambay leedahay ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
spartacus Posted February 2, 2014 Indeed.serves them right! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted February 2, 2014 well, if they enter somaliland without letting the goverment know, they are looking for trouble. we all know Federal officials cannot enter Puntland if they don't get permission from Garowe so it is the same thing. they violated Somaliland local law which is to get permission to enter Hargeisa. the permission can easily be given and it doesn't have to be sneaking into city. you could be a terrorist. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted February 2, 2014 Are these guys native habro? If so, it's very droll of the Silanyo administration to resort to such mediocrity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted February 2, 2014 they ought to pay compensation. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted February 3, 2014 I THINK THIS ISSUE IS VERY COMPLICATED FOR SOMALI GOVERNMENT SINCE FAWZIYA LEFT THE OFFICE THEY HAVE TO MAINTAIN GOOD RELATION WITH THE NEIGHBORS Quote Share this post Link to post Share on other sites
CidanSultan Posted February 3, 2014 Thats exactly how you deal with a people and a nation who can not even patrol their own city without african mercenaries. Before you try and transit through Somaliland to get to Ethiopia you need to apply for a F*** an entry visa. African mass rape in Mugdisho: Enjoy your false recognition. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomaliaRising Posted February 3, 2014 Separatists are feeling the heat. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted February 5, 2014 hahah funny how hellhole Somalia tries snatch victory from jaws of defeat. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 5, 2014 War kuwan haddii ay shaqadii ka soo dhamaadtay, dee ha isla fasaxo. Xaggee kalow aadi lahaayeen. Xamar markii horeba caysh bay u doonteen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 6, 2014 Dont they ever learn that they are not welcome in Somaliland , wey iska imanayaan uun. Maybe jeelka maandheera bay aad u jecelyihin. Quote Share this post Link to post Share on other sites