cadnaan1 Posted January 22, 2014 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu maxkameynayo dalka Jarmalka Published on January 22, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 315 views saalax Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa la soo taagay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Saalax, kaasi oo loo haysto in uu ka mid ahaa kooxo burcad badeed Soomaali ah oo horey u afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka. Maxkamadeynta muwaadinkan oo shalay ka bilaabatay dalka Jarmalka ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa koox burcad badeed Soomaali ah oo lacago madax furasho ka qaatay markab lagu magacaabo Marida Marguerite oo laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasi oo ay saarnaayeen 22 shaqaale, waxaana uu siday kiimiko. Markabka ayaa waxaa la afduubtay bishii May ee sanadkii 2010-ka, iyadoo lacag dhan 4.2 milyan la siiyay kooxihii afduub ahaan u haystay bishii December ee isla sanadkaasi, Saalax ayaa dalka Jarmalka tegay horaanta sanadkii 2013 isagoo qaxooti ahaan isu dhiibay dalka Jarmalka, waxaana saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ay sheegeen in lagu ogaaday marka farahiisa laga qaaday, taasi oo ay ku sheegen in xilligii lacagta la siinayay sidaan oo kale faraha looga qaaday. Saraakiishu waxa ay Saalax ku eedeeyeen in uu badashay magaciisa markii uu dalka Jarmalka magengalyo u galay, waxaana lagu wadaa in markale la soo taago Maxkamadda 29ka bishaan, iyadoo inta ka horeysa waqtigaasi lagu haynayo xabsiga. Saalax waxa uu dhashay 21.10.1969 wuxuuna ku dhashay Somaaliya, waa xaas leh 4 caruur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mahiigaan Posted January 23, 2014 Are you sure he is from Mudug?. The name does not sound like belongiing to a Mudug dude. Quote Share this post Link to post Share on other sites