cadnaan1 Posted January 17, 2014 waa arin cajaaib ah hadii qof aanan lala tashan xil loo magacaabo markii ugu horeysayna ma ahan dowladi Gaas ayadaba naag shiidle ah oo jowhar joogta ayey wasiir u magacaabeen markaasnaa jowhar waxaa haystay alshabaab miskiinta baxar ayey galiyeen alshabaab way qabteen. Tarsan "Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka" Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay inta aanu ansixin Golaha Baarlamaanka waxaa ka hor yimid mucaaradii ugu horeysay, kaddib markii uu iska casilay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo loo magacaabay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaasi uu u magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed. Tarsan ayaa sheegay in isagu xilkaasi uusan dooneynin isla markaana uu yahay nin ay dadku wada yaqaanaan. "Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka" ayuu yiri Md. Tarsan oo sheegay in lagu degdegay magacaabista jagadaasi. Waxaa uu sheegay in xataa Wasiir uusan dooneyn, maadaama aan lala tashan sida uu hadalka u dhigay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in Tarsan xilka Duqa Muqdisho iyo Gobolka Banaadir laga qaado, taa bedelkeed la siiyo Wasiir kuxigeen. Magacaabista Golaha Wasiirada oo noqotay mid soo daahday isla markaana dhalisay muran xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa in wali. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com<quote> Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 17, 2014 I predict another fallout in 6 months Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maqane Posted January 17, 2014 Wallee waxaan la yaabay ''pick and choose-ka ay sameeyeen!!!!!! Balaayo madax iyo wasiiro idinka dhigatay ee na dhaafa. Uuuf fooqal Uuuf!!! Horay baa loo ogaa qorshaha Qoslaaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted January 17, 2014 Two new faces from the North Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ? From Awdal region in Somalia who has info on the new FM pls provide. Ninkii Siilaanyo watay Mr Jamac Oday oo Wasiir laga dhigay Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cadale Posted January 17, 2014 Dowladda hala rido. They have proved that they don't have the capabilities to move our country forward. We lost a year already we cannot loose another four years. maamul goboledyada waa in si dhaqso lo dhameystira sida ay ugu hortaggan khatarta so socoto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted January 17, 2014 This is very sad day. a new dictator is born who lost his brain to early. he isn't a wise one to lead a nation that desperately needs genuine leader. Qoslaaye agtiisa tallo mataal ee farad kale umada ilaahay ha u furo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 17, 2014 Cadale, Maxaa ku gubaya saaxiib. This government is handpicked by the Prime minister.He picked a new foreign minister, he brought Godax Barre who was a capable minister under former PM c/weli Gaas's government as Interior minister, and Haamud who is experienced politician as the new defense minister. Although Fowsiya has done a great job during her tenure, she became active member of DamuJadiid. Also. Most of the communities are represented.I think this Prime Minister is in charge of this Cabinet. Damjadiid is not anymore change of Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Arrimaha Dibeda. Let us see what this man and his abinet can achieve in one year. Quote Share this post Link to post Share on other sites
cadnaan1 Posted January 17, 2014 galbeed adiga waad ku faraxsantahay oo reer awdal waxay heleen wasiirka arimaha dibada,,laakiin inta kale qashinka ah ee gaaraya 54 ministers ka waran xagee budget looga keenayaa 55 ministers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 17, 2014 Malister, there are three Northern Ministers. Ridwaan Hirsi, the deputy minister is Islaax, Jamac Oday is former organizer for Kulmiye party who was director of Finance ministry, and finally A/rahman Bayle is an executive from African Development Bank for the last fifteen years, he is based in Tunis. He has PHD in economics.I heard he has overseen some development aid both for Somalia and Somaliland. Unlike Samatar he is a fierce Somali Nationalist who composed some Somali Lyrics and songs. Calankan qaayaha lahoow qudheyda badhkeediyoow intaan kuu qabo jacayl qiyaas kuma koobi karo hadday caanuhu qubtaan illayn dabadood la qabay waxaan diray qaylo dhaan Saadaal wacan baan qabaa sidaa ku-calool qabow ……. Dr. Abdirahman Bayle Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 17, 2014 Saaxiib, it doesn't matter, we didn't had a minister for the last government yet I supported them to succeed. By the way we always send the most qualified people not the losers. The number is big, but that is the only way to do in a fragmented country. The only positive thing is this Prime Minister stood his ground against the President. If he fails, he won't blame any but himself, so let us wait. Tarzan is mad. He was really disrespected, how can you nominate the star of Mogadishu as deputy Minister? . I think President Hassan wanted to low blow him. Unacceptable. Rather than put him in higher level for his effort, they are demoting him. Why? Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 17, 2014 IR Heestii Doobir By Dr.Abdirahman Beileh October 12, 2012 Duulitaanki shalay Douala iyo France Tunis oo ka dambaysay Diyaaraddii cammirrayd Ummaddu ay daf ahayd Illaa daakhilka buuxday Dardartii socodkii Dadku ay farxad weyn iyo Sheeko deeddamayeen Durdurkii hadalkii Kursigii iga dambbeeyey Iyo kii dacalkayga Dawladaa ku shiraayey Dadweynay ka hadleen Hal-doorkii ka dhammaayoo Digo-xaadh la marshay Doonni bay ka hadlleen Ku dayowday badweyn Dhakhalka iyo shiraaca Dabaylo ay lulayaan iyo Injiinkii is-duqeeyey oo Dalambaabi dhacaysa Dooddii ay dhex-galeen iyo waxay dowddabayeen ee Dhegahayga ku duulaybaa Igu daaray kulayl oo Boogtaydii darsanaysay Damqay oo i xanuunshay oo Dammiirkayga dhaqaajay oo Hurdadii wey iga duushay oo Anigoo dirgan waayey iyo Dibinta oo aan qaniiniyo Dirqi baan ku socday Horaad taa ugu daashee Dug intaad ka tidhaahdo Gacmahaaga ka duubo oo Danahaaga ka raacana Naftaydii igu diidday oo Inaan dood ka idhaah Debnahay cuncunaaya Dulqaadkaan waayo lahaana Daaddays baan ku xabaalay oo Dushaan oodo ka saaray oo Dib u soo noqon maayo Diyaar baan ahay caawa Ciidan baan dumayaa Dacwad baan furayaa oo Dagaalb baan ridayaa Daadb baan soo rogayaa Bulshadaa kala daadsanee Fadhataystay dugaagu ee Sida lo'da dammaanka Afmiishaarku dillaalay ee Dirqi uu ku xaraashay ee Ciddu doono ka iibshay baan Wax u deydayayaa yoo Dadaal baan ku jiraa Danyar bay korisoo Dugsigii la I geeyey iyo Sidii lay dabajoogay baan Daynkoodii bixiyaa Darteed baan u mlaeegtay Calankaa degta saartayna Daacad baa u hoggaan ah Afartaa dood furiddeed iyo Arraartaydii ku daa Darandoorriga heesta Durduraa geel ku jabaa e doobir ii dheh abaadir waxa ta aka dambaysa Ninkii daarta cad fuulay ee daruurtii arkay waayey ee Iyaduuo da’ay roob oo Dunidoo dhan asqeeyey Duufaanno ay dhacayaan Isagu daaradda seexday Alla doonni ka saar Daranaa caqligiisu Ma dameero jin baa? Digaa hoosta ka nool eh Inta aan dambaskeedu Sii dambaaburo heesin Ku hullaaqin degaanka maan dagaagaro heesta Ha dabbaalo dhuflaysoo Digdigteediyio reenka Dadwaynu ha ku toosee Dawga maan u tilmaamo Durbaankii abtigay (Timacadde) Doobtiisii ku codeeyoo “Daaddah” maan ku idhaahdo Deellaybaa curanaysee Waxa ay ku dambayso Anna maan durrujaaga Intaan xaabo u doono Dusha geedo ka saaro Roobka noo da’ay maanta Ku darrooray agteenna Isla doonasho Eebbe Daruur heedhe ka weynoo Kani waa daldhaammeeye Daad buu soo rogayaa e Dantii haw mulacyeeyoo Cudurka inna dulleeyey (qabyaalad) Danaheenna ku seegnnay iyo Daafka ha innaga maydho Halkuu doono ha aadee Miyaan daaradda mooso Miyaan daadka isdhaafsho Wuxuu doono qaadee Daafta maan ka istaago Da’yar baa qatanaydoo Habka diinka sidiisa Daymadayda ku noole Miyaan dowliska qaato Degelkoo leh barwaaqo Ku dareeriyo beesha Dukeeyoo iska daafay Tu kalaa ka dambbaysa Darandoorriga heesta Durduraa geel ku jabaae Doobir ii dheh abaadir Dabnahaa I cuncunaayee Haddii aan dib u laabto Maahmaahdii dura sheego Dulucdeedu ahayd Markuu doono Raxmaanku Dameeraa dhala weylo Kor baa daad u kacaa Dilaa weeye yaxaase Isaga oo dam ku siistay Dalqadiisa ku geystay baa Dabaylo isbeddelaan ood Dib u soo noqotaa oo Dabadeed talisaa Waxa taas u daliil ah Dadaalkaan u dhammayn Dayrkii aaynnu yaglleellay Arrintii aan ku Ducaynnay Degelkii xaabka la’aa Duruuftiisu adkayd qofkastaaba ka dayrshay Hasheennii dergan weyday Dhaafiweyday duleedka Ilayskaynnu ku daarnnay iyo Halka uu ku dambbeeyey Doorka aad ka ciyaartay kaalay oo ila daawo Dalaggii aynnu fajaasnay Miraalaa ku darrooray Damta heedhe ka saaray Ku bashiishtay diraacdan Xareed baa la durduurtay Dunidii ku badhaadhay Buurihii deddanaa ee Dabayshu ay balfinaysay Cadceeddii ka darrayd ee Haddii aad ku yar daahdo Ku dubaysay dhammaan ee Dusha kaa murxinaysay Diirka kaa muldhinaysay Barwaaqaa ka dambbeesay Dalkii xabka la’aa Naflaydydu ay kay didaysay Dunidii way is beddeshay oo Daaraha is hadheeyey Markaa waagu dillaaco Loo dareero iskuulka Illaa fiid dabadiisa Marka laydhka la daaro Damaanshaadka dhacaaya Dareenkaa ku dhaqaaqa Durba waad garataa In aan daw cagta saarnay Dibna loo noqonayn Dawaaf baan ku jirnaa oo Dantay baan u maleegtay oo Calanakaan degta saratay 00 Waan ducaysanayaaye Doobir ii dheh abaadir Mid kalaa ka dambbaysa Ragga daabbad jaraystow Dumarkyo iyo carruurtow Dariiqaynnu astaynnay Wixii daal inna gaadhay Wixii geedka duleedka Odayaal ku dardaarmay Dib intaan u jalleecnno Intaad daafaha eegnno Shalayto iyo dorraad Deris weyn ha noqdaan Noo ileeya dariiqa Dalandoolka hayaanka Marka awrku dakaamo Jidhku uu dubayoobo Afku uu hadal daayo Daran-doorri- ku maal iyo doobigoo xoorku caleeyo Wanaagabaa ka dambbeeyee Dub-adayg iyo fiiro Dulqaad ha inna hogaansho Qofka dooddan maqllaaya ee Dulucdeeda fahmaayee Jidhku uu damqanwaay ee Halka daabbad marysso Daymoodee iska dhaafay Ka digiigixan waayey Dhegihiisa dabooshay Muxuu yahay Alla doori? Kuwii doonta shiraacday Dirir xooggan habeeyey dantoodii ku labeeyey In ay daawo galaan Dulqaadka iyo hannaanka Inay daacad yihiin Diyaar hawl u yihiin Socodaal dheer dalbadeen Wallee daah kuma qaydna Afartaa run u daa Tu kalaa ka dambbaysa Darandoorriga heesta Durduraa geel ku jabaae Doobir ii dheh abaadir Doqonbaa warwareegtoo Meelo dheer wax-ka-doontoo Hadal aan dux lahayn iyo Duu-daa-daa ku wareertoo Kugu daalisa hawle Anoon dhaafin duleedka Durba ma idin qaboojay? Ma idin deeqay warkaygu? Dareen maydinku beeray? Ma dubaaxiyay jiidhku? Masakaxdiinnu ma diirtay? Haddii uu dirir hooray Dal dhammeeye hillacay Degelkoo dhan asiibay Daayinkii na abuuray Farriimahaan u dirannay Ducadeenni ajiibay Dadaalkeennii midhaystay Dugsigeennii Gebeed Daakiraadda allaylka Marka diiggu dhawaaqo Illaa fiid dabadii Dam cadeeddu tidhaahdo Duruustii soconayso Dhallinteennii dayowday ee Sida duunyada fooftay Ilaahbaynna dilaayee Habka diinka sidiisa Dubkoodii jidhifaysaty Hadday maanta duruus Climigii dihanaa Ka durduurnayaan Faraskii ina daabbad Ee daddaabba xidhnnaa Ha dawaafo adduunka Dantii ha xarragoodo Waxaan sheeko ku daayey Ku soo duubay warkaygan Dambbibaannu samaynnay Daa’imoow naga maydh Dadaal baan ku jirnnaa yoo Daa’imo iyo carruuriyo Danyarbaa na sugaysee Allow dawga hagaasan Aammiiin Dr. Abdirahman Beileh E-Mail: A.Beileh@afdb.org _________ Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted January 17, 2014 Galbeedi, Innaa Lillaahi, sxb maxaad isku qaseysaa, dadka yeysan kula yaabin, prime minister ayaa hand-pick-gareestay aa, Subxaanallaah, Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin, sidan bey u dhacdey in a nutshell, labadan wasiir ii daa ee xukuumadii Saacid, listigan dheerna hoo oo akhri, xalay intaas unbaa dhacdey, prime minister kuye bidaa huurtey kuma dhihi karee prime minister kuuma joogo. Soomaalidii dhanneed meel kasta dalka iyo dunida ayaa ka wada qeylisey oo wada ashahaadatey oo ogaatey in liiska dheer uu soo qorey Madaxweynaha, min Xamar illaa Aukland illaa Tromso illaa Fort Macmurray Soomaalida dagan dhan wax soo dhaweeyay oo u riyaaqey ma jiro wasiirada cusub, dee hadaad adigu wasiir bey Awdal heshay u mashxaradeyso taas waa gooni oo ku subkeyso, Cadnaan iyo Cadale meeshay ka qeyliyeen baad digada ka aruursaneysaa. Tusaale, topigan u soo qaado, hal qof oo soo dhaweeyay ma jiro wasiiradan cusub, taas la bar-bar dhig topigyadii hore ee wasiiradii Saacid, mebsiteyada Soomaaalida dhan booqo, sidoo kale, televishanada raadyaha Soomaalida dhan dhageyso oo daawo, wax soo dhaweyay ma jiro, dadkii dhannaa baa ACUUDU BILLAAHI la wada kacey, waxan oo kale lama maqal lamana arag, wali foolxumadii xalayto ka dhacdey Villa Somalia ayaadan wali fahmin, Ilaah ha ku tuso xaqa dadkii dhannaa wada tusey oo adiga kaa indha-saabey, Awdal baa wasiir heshay baad taagantahey, taasna kaala doodi kari maayo ina adeer, oo warkaagu hees buu qorey iyo waa gabyaa bey kuu mareysaa, halkaa yaaba ka doodeyba! Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted January 17, 2014 Maybe I am wrong on the list but, I saw the Damjadiid Heavy weights were not there. C/xakiin Guuleed was no longer in charge of interior, Fowsiya is gone, Faqi the weak defence Minister is gone. I hope most of the list is from the prime Minister. I HEARD the Prime Minister was almost resigned. Cadale want every thing including the Capital. He is probably the new young USC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Homunculus Posted January 17, 2014 Is it true that some ministers already resigned? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cadale Posted January 17, 2014 Galbeedi what bothers me and the rest of the somali population regardless of what clan they hail from is, we expected better from the first legitimate government somalia had since siyad barre. The situation is extremely messed up when some of the minister who got appointed wasn't even aware of it. Iskaba daa taas look at the cabinet taariikhdha somalia sooma marin dad ka liito for example look at the health minister waa general and wasiirka gaashandhiga waa ruux aan waligiisa xitaa ciidamada xooga dalka ka mid noqon iskaba daa nin taliye ama gaashanle ah. I have never felt so dissapointed in my whole life walahi. I want to apologize to Nuune,xiinfaniin and other members who i thought where against the government lead by xassan sheikh for other reasons. Quote Share this post Link to post Share on other sites