Sign in to follow this  
malistar2012

Hiba Nuura iyo Ururada Haweenka Soomaaliyeed oo Muqdisho shirweyne Siyaasadeed uga furmay

Recommended Posts

haweenka%20121.jpg

 

 

Kulan socon doona mudo 7 maalmood ah oo looga hadlayo sida ay haweenka Soomaaliyeed qeyb uga noqonkaraan hogaaminta Siyaasadda dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

 

 

Kulanka ayaa waxaa isugu yimid Ururrada Haweenka Soomaaliyeed ee gobollada dalka ku dhaqan, waxaana looga hadlayaa xal u helidda Hoggaanka Siyaasadda dalka iyo caqabada ka hor taagan sidii meesha looga saari, iyadoo wadatashi ay yeelan doonaan maalmaha kulammada.

 

Daahfurka kulankii ugu horreeyey ee maanta waxaa ka soo qeyb galay Haweenka Soomaaliyeed oo qaarkooda ka yimid gobollada Puntland, Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, Maxamed Cumar, mas’uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo saraakiil Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka socotay

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yare” oo ah Guddoomiyaha isbaheysiga Ururrada Bulshada ayaa sharraxaad ka bixisay u jeeddada kulammadan wadatashi ah ee haweenku ay uga arrinsanayaan ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda, iyadoo sheegtay in arrimaha ugu muhiimsan ay yihiin in Haweenka Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la dhisi doona doorka ay Haweenka ku lahaan doonaan la muujiyo.

 

Kulanka ayaa waxaa khubado ka jeediyey xubno kale oo ku sugnaa oo ay ka mid tahay Drs Caasho oo cudurrada haweenka qaabilsan, sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa Qadka Telfoonka uga qeyb-galay qaar ka mid ah Ururrada Haweenka Puntland oo aysan u suurtagelin maanta in Muqdisho ay soo gaaraan, waxeyna soo dhaweeyeen wada tashiyada Haweenka ee ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda dalka.

 

C/laahi Shirwac oo ah Guddoomiyaha talladda Jaliyeyaasha aan dowliga aheyn, ayaa sheegay in xalka uu yahay in wadatashiyada ay Haweenku xoojiyaan, islamarkaana ay hirgalinayaan.

 

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda horumarinta Adeegga Bulshada Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay jiraan Haween aqoonyahanno ah, loona baahan yahay in midnimada la xoojiyo, si xal ugu noqoto doorka ay siyaasadda dalka ku leeyihiin.

 

Kulammada oo soconaya Lixda maalmood ee soo socota ayaa ahaan doona kuwa furan, iyadoo qeybtii dambe ee kulanka ay Fanaanadda Hiba Nuura ku soo bandhigtay Heeso boggaadin ah, doodaha ay sameyn doonaan haweenka kulammada ka qeyb-galaya ayaa ka hadli doona qodobbo ay ka mid yihiin sidii Haweenka Puntland ay u heli lahaayeen kaalintooda siyaasadeed, maadaama ay socoto ololihii doorashada madaxtinimada maamulkaasi iyo arrimo kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

haweenka%20121.jpg

 

Congrats to the Ururrada Haweenka Soomaaliyeed for trying to unite under one Party , Somali ladies are very powerful in our community it will be significant step on reconciliation effort if they manage to create Ururrada Haweenka Soomaaliyeed under one Umbrella .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this