Sign in to follow this  
malistar2012

Wasiirka Gaashaandhiga oo Saraakiil kula kulmay degmada Janaale iyo ciidamadii dagaalamay oo la kala

Recommended Posts

127.jpg

 

 

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hogaaminaya wafdi ballaaran oo isugu jira

 

 

xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose kula kulmay Saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, iyagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.

 

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in kulamada ay la qaateen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka soo baxeen go'aano ku aadan sidii loo suura gelin lahaa adkeynta xaalada amniga iyo mida bulshada ee ka jirta deegaanada Shabeelaha Hoose.

 

"Ciidamada halkaan jooga waxa ay yihiin kuwa u taagan gudashada waajibaadkooda, anagana si aad ah ayaan u qiimeynay hab dhaqankooda, runtii waxaan isleeyahay waa ciidan u taagan in ay dalka ka xureeyaan maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaybo yar oo gobolka ka tirsan" ayuu C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso dadaalada iyo waan waanta laga dhex wado dhinacyadii ku dagaalamay gobolka, isagoo xusay inay kala qaadeen maleeshiyo beeleedydii ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose.

 

"Labadii maleeshiyo beeleedyo waan kala qaadnay, si KMG ah ayaan meelo u kala dejinay, waxaa noo qorsheysan in aan tababar u fidino maleeshiyaadka, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya"ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Wafdiga uu hogaaminayo C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa la filayaa inay sii wadaan howlaha kormeer ay ku sameynayaan deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha amni iyo tan bulsho ee halkaasi ka jirta.

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this