malistar2012 Posted December 13, 2013 BADHAN:Badhasaabka Somaliland U Magacowday Gobolkaasi Oo Si Mug Leh Uga Qayb Qaatay Soo Dhawayntii Cabdi Wali Gaas Iyo Calanka Somaliya Oo Markaliya Qabsaday Magaalada Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiim Wahaabi ayaa la sheegay inuu shalay magaalada Badhan ee Somaliland si badheedh ah ugu soo dhaweeyay Raysal Wasaarihii hore ee dawlada Xamar ee Somalia Cabdiwali Cali Gaas oo ka mid ah shakhsiyaadka isku soo sharaxay jagada madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, kaas oo isaga iyo weftiuu hogaaminayaa ay shalay soo gaadheen magaalada Badhan ee Somaliland. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen waxgarad ku sugan magaalada Badhan ayaa sheegay in Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiin Wahaabi markii uu shalay soo gaadhay deegaankaasi Cabdiwali Cali Gaas uu ku soo dhaweeyay duleedka magaaladaasi, waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in Badhasaabka Badhan Mr Wahaabi oo wata gaadhiga GT-ga ee dawlada Somaliland leedahay uu soo dhawayn ugu sameeyay Cabdiwali Gaas, kaas oo la sheegay in dad badan oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi ay si weyn uga yaabeen falka uu ku kacay Badhasaabku oo ah masuulka ugu sareeya ee dawlada Somaliland uga wakiilka ah gobolka Badhan, waxaanay wararku intaa raaciyeen in Badhasaabka Badhan walaalkii uu ka mid yahay xubnaha ololaha ugu jira jagada gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin murashaxiinta Puntland ee sida badheedhka ah deegaanada bariga Sanaag uga dhigtay goobo ay ku ololeeyaan, isla markaana ay ku sheegtaan in bariga Sanaag uu ka tirsan yahay maamul goboleedka Puntland. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu kaga mashquulsan dhaqdhaqaaqyada iyo shirarka xisbiyada mucaaridku ay ku yeelanayaan xarumahooda sidii ay isha ugu hayn lahayd,. Gas reaching far beyond enemy line to be elected Good to see the blue white flag raised San Quote Share this post Link to post Share on other sites