Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amiir Godane takes the war to the Kenyans deep in Kenyan sovereign territory

Recommended Posts

Kooxo hubeysan oo Siddeed Qof oo Kenyan ah ku dilay Libooyo oo ku dhow Soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya

Talaado, December 10, 2013 (HOL) — Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa siddeed ruux oo Kenyan oo isugu jiray askar iyo rayid ku dilay maanta deegaanka Liboyo oo ku dhow xadka ay wadaataan Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari ay ciidamada Kenya wateen oo halkaas marayay.

 

Saraakiil ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkaas ay lagu dilay askar iyo dad shacab ah kuwo kalena si xun loogu dhaawacay, isagoo xusayin shank a mid ah dadka dhintay ay askar ahaayeen.

 

“Weerarka waxaa lagu dilay shan askarta booliiska ka tirsan iyo saddex qof oo shacab ah,” ayuu yiri sarkaal booliiska oo aan magaciisa sheegin oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

 

Wararka ayaa intaas ku daray in in laba askari oo ka tirsan ciidamadii booliiska Kenya ee la socday gaariga ay maqan yihiin oo aan la ogeyn halka ay aadeen, iyadoo wararkuna ay ku darayaan intaas in laba qof oo kooxihii weerarka geystay ka tirsan la dilay.

 

Sidoo kale, ayaa hadalkiisa raaciyay in laba askari oo booliis ah ay iyaguna si xun ugu dhaawacmeen weerarkan; iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo weerarro soo laalaabtay oo kooxo hubeysan ay la beegsanayeen ciidamada Kenya tan iyo markii uu dalkaas ciidamada u diray Somalia sannadkii 2011.

 

Illaa hadda lama oga cidda weerarkan geysatay, laakiinse saraakiisha booliiska Kenya ayaa weearrkan ku eedeeyay Al-shabaab, waxaana la xusuustaa in Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore sheegatay inay ka dambeysay weerarro lagu dilay ciidammo Kenya ah oo ka dhacay deegaannada ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Xaduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo dhirirkeedu yahay 700-km ayaa ahayd goobta ugu khatarta badan ee kooxaha hubeysan ay ku ugaarsadaan ciidamada dalka Kenya.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada Kenya, Samuel Arachi ayaa xaqiijiyay in lagu dilay askar badan weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen baabuur ay wateen booliiska. “Weerarku wuu jiraa waxaana lagu dilay saraakiil booliiska ka tirsan iyo dad shacab ah, waxaana socda howgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarkan ka dambeeyay,” ayuu yiri Arachi.

 

Weerarkan lagu dilay askarta iyo dadka shacabka ah ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu dalka Kenya looga dabaal-degi doono maalinta Khamiista ah ee soo socota sannad-guuradii 50-aad ee kaso wareegtay markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Britain sannadkii 1963-kii.

 

Xarakada Al-shabaab weerar ay ku dhinteen 67-qof ku qaaday dhammaadkii bishii September ee sannadkan dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this