Sign in to follow this  
malistar2012

Shirkada Jazeera Estate oo heshiis la gashay shirkado biyo iyo koronto gelinaya deegaanka

Recommended Posts

Shirkada Jazeera Estate oo heshiis la gashay shirkado biyo iyo koronto gelinaya deegaanka

 

rea-estate_3.jpg

 

 

Shirka Jazeera Estate ayaa maanta soo bandhigtay Shirkado ay heshiis kula gashay inay biyo iyo koronto geliyaan dhulka laga dhisi doono deegaanka Jazeera ee loogu magac daray Real Estate.

 

Munaasabad lagu soo bandhigayay heshiiskan oo ka dhacday maata Hotelka Jazeera ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiinta Shirkadaha deegaanka ka dhisaya dhulka Jazeera iyo shirkada korontada iyo biyaha gelinaya.

 

Gudoomiyaha Shirkada Jazeera Estate Iimaan Maxamed Cali ayaa ka hadlay halka ay mareyso dhismaha casriga ee laga hirgelinayo deegaanka Jazeera, kaasoo noqonaya deegaan dhan oo u dhisan qaababka guryaha caalamiga, waxaana uu lahaan doonaan dhamaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, sida Koronto, Biyo, Taleefan, Internet iyo iwm.

 

Iimaan Maxamed Cali ayaa sheegay in dhagax dhiga rasmiga ee dhismahan uu bilaaban doono 1-4-2014, waxaana uu noqon doonaa deegaankii ugu horeeyay qaab casri u dhisan sida dalalka horumaray oo kale oo laga dhiso deegaanka Jazeera.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada Mohamud Omar Aadan oo ah milkiilaha shirkada la siiyay biyo gelinta dhulka, waxaana uu sheegay in dhamaan deegaankaas ay gelin doono biyo nadiif ah.

 

Deegaanka Casriga ee Real Estate ayaa waxaa uu yeelan doonaan dhismayaal isugu jira Hotelo, Guryo Villa ah, Masaajid, Saldhig Boolis, Xarun Caafimaad iyo goobo lagu nasto oo Jardiino ah, Barkado lagu dabaasho, waxaana guryahaas loo qalabeyn doonaa sida guryaha casriga ee caalamka, iyadoo dhowaan la soo bandhigay naqshadaha deegaankan laga dhisayo Jazeera.

 

 

zbv8.jpg

 

qnql.jpg

 

excellent with stability and peace Mogadishu will surplus African capitals in-terms of infrastructure and beauty :o

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this