Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Minister of fishery and marine resources visits Laasqoray (Eastern Sanaag)

Recommended Posts

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Laas-qoray

 

November 20th, 2013

 

Weftiga Wasiirku waxay Agab kala duwan u qeybiyeen kalluumaysatada reer Laas-qoraywasiirka-cusub-ee-kalluumaysiga

 

Laasqoray (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag,waxaanu noqday Wasiirkii u horreeyay ee muddo sanado ah halkaasi booqda.

 

Wasiirka iyo weftigiisa oo socdaal xog ogaal noqoshada xaalada guud ee xeebaha ku maraya xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag.

Wasiirka kalluumaysiga iyo weftigiisa waxa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay degmadda Laas-qoray maamulka, waxgaradka iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ayaa uga mahad celiyay sida waddaniyada leh ee shacbiga degmadaasi ku qaabileen weftigiisa, waxaanu uga waramay qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ugu tallo gashay inay ka fuliso degmooyinka barriga Sanaag.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay wax ka qabato adeegyadda daruuriga ah ee bulshadu u baahan tahay iyo taabo-gelinta kaabeyaasha dhaqaalahaba.

 

Sidoo kale, waxa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysigu ay kulan la yeesheen kalluumaysatada wadaniga ah, waxaanay uga sheekeeyeen siyaasadda xukuumadda oo ay xuseen inay dhiiri gelinayso sidii loo tayayn lahaa, loona xoojin lahaa xirfadleyaasha kalluumaysatada waddaniga ah.

 

Wasiirka iyo Weftigiisu waxay kalluumaysatada gudoon siiyay agab kalluumaysi oo ay ugu tallo-galeen inay ay ku shaqaystaan kalluumaysatada reer Laasqoray.

 

Geesta kalena, waxay weftigu booqdeen dekadda Magaaladda Laasqoray oo ay sheegeen in dawladda Somaliland qorshaheeda dhow ku jirto sidii dib loogu furi lahaa marsaddii Laas-qoray, waxaanu dadweynaha iyo waxgaradkii ay la kulmeen ku booriyeen inay xukuumadda kala shaqeeyaan dhinaca sugida ammaanka iyo horumarinta. waxa kale oo ay booqdeen warshad Kalluun oo ku taalla magaaladaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this