Dalmar1 Posted November 20, 2013 Dowladda federalka Soomaaliya ayaa wax lalayaabo ku tilmaamtay hadalka kasoo Soomaaliland oo sheegaya inay hayaan macluumaad sheegaya inay dowladda federalka bur burin iyo kala fur fur ku hayso maamulkaas. ayna dhawaan soo bandhigayaan macluumaad arintaas muujinaya. Wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay hadalkaan inuu kusoo beegmay xilli ay wadahalo u socdaan dowladda federalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay warkaan oo kale inuu sii kala fogeynyo labada dhinac , uuna caqabad horleh ku noqonayo isfahamkii iyo shirarkii u socday Soomaaliya iyo soomaaliland. C/Kariin Xuseen Guuleed wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay waajib ku tahay sii hor marinta nabad galyada kajirta maamulada hana qaaday wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuuna cadeeyay dowladdu inaysan caqabad ku ahayn nabada Soomaaliland. Ugu dambayn wuxuu Soomaaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan hadalo caynkaan. Hadalka Wasiirka arimaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay ku eedeysay dowladda federalka Soomaaliya inay carqalad ku hayso nabada Soomaaliland ayna damacsan tahay kala fur furka midnimadeeda. Dhageyso wasiirka arimaha gudaha. http://daawadnews.com/wp-content/uploads/2013/11/wsiirka-arimaha-gudaha-galabta-sax.mp3 Quote Share this post Link to post Share on other sites