Sign in to follow this  
malistar2012

PM Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Business as usual visiting Victims and SH/ Hoose

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga degmada Beledweyne kuwaasoo isla shalay dawladdu u dirtay diyaarado lagu soo daabulo si ay u helaan daweyn deg deg ah.

 

Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 una badan dad rayid ah, ciidamada Jabuuti iyo Booliska Soomaaliya ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku booqday Isbitaalka qolalkooda, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaasi ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aadan maamulka ciidanka.

 

“Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka.

Kormeeradan uu maanta sameeyay Ra'iisul Wasaaraha ayaa u muuqata mid uu wali howshiisa ku sii wadanayo, xilli ay jirto khilaaf xoogan oo isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, kadib markii todobaad ka hor uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu is casilo, hase yeeshee uu diiday.

 

saacid-is_mashqulis_8.jpg

 

 

saacid-is_mashqulis_1.jpg

 

saacid-is_mashqulis_10.jpg

 

saacid-is_mashqulis_5.jpg

 

saacid-is_mashqulis_6.jpg

 

“Mudnaanta dawladda waa amniga iyo xasilinta dalka, dawladda Soomaaliyana waxaa ka go’an xoojinta tababarada ciidamada, kor u qaadidad adeega caafimaadka ee ciidanka, qalabeynta iyo mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this